Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii gubtey markab ku xirnaa dekedda magaalada Boosaaso, markabka gubtey oo ahaa mid yar laguna magacaabi jirey Benderqasim-2, waxaa iska lahayd shirkadda Xidig, wuxuuna sidey shixnad shidaal ah oo uu dalka Yemen ka keenay.
Ciidamada dab demiska ayaa durbadiiba goobta soo gaarey, waxayna ku guuleysteen in markabka dabku qabsaday ay u jiidaan meel ka baxsan gudaha dekedda, maadaama ay xiligan marsadu tahay mid aad mashquul u ah gaadiid badanina ay ku xiran yihiin.
Sidoo kale waxaa lagu guuleystey in laga dejiyo in badan oo kamid ah xamuulkii shidaalka ahaa ee uu sidey, si looga baaqsado khatar la fili karey in ay timaado hadii xakamayntiisa lagu guul daraysto.
Mulkiilaha markabka gubtey oo lagu magacaabo Xidig Maxamuud Xaaji Faarax, ayaa HOL u sheegay in aan la ogeyn sababta dhalisay gubashada markabka, wuxuuna intaas ku daray in aysan jirin cid ay dabkaas waxyeelo kasoo gaartey.
"Ma garan karno waxa uu dabku ka bilowday, balse waxan kuu xaqiijinayaa in aysan cidna wax ku noqon, markabkase ay waxyeelo badani soo gaartey"
Gubashada gaadiidka badda ayaan ahayn mid ugub ku ah dekeda magaalada Boosaaso, hase ahaatee intii u dhexeysey 2009-2010 ayaa waxaa sidan oo kale ugu bas beelay 2 doonyood oo shidaal sidey, kadib markii demintooda lagu guul dareystay.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Markab Shidaal Siday oo Xalay ku Gubtay Dekedda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland
More News
- Arday wax ka barata Jaamacadaha Soomaaliland oo qalab guddoonsiisay Jaamacada Hiiraan University
- Madaxweyne Shariif Sheekh oo la kulmay Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
- Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in maanta ay ku eg-tahay Qabashad Araajida Murashaxiinta
- Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo Xalay Macallin Dugsi ku dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir
- Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay in Maydka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya la Aasayo Toddobad kaddib
- Eeyo Cudurro halis ah qaba oo Dad shacab ah ku dhaawacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose