Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ra'iisul wasaare ku xigeenka ahan wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DKMG ah, C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa maanta u dhoofay Puntland si ay uga qaybgalaan shirka ansixinta dastuurka Puntland oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Garoowe.
Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay wasiir u dowlaha wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka dowladda Soomaaliya ayaa waxay gaareen gaareen Gaalkacyo iyagoo uga sii gudbi doona magaalada Garoowe oo uu shirku ka socdo.
C/wahaab Ugaas ayaa wariyeyaasha ugu sheegay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo in socdaakooda uu salka ku hayo sidii ay uga qaybgeli lahaayeen ansixinta ama afti u qaadidda dastuurka Puntland.
Ergooyin ka badan 400 oo ruux ayaa waxay maalintii saddexaad shir ku leeyihiin magaalada Garoowe, iyagoo ka doodaya dastuurka Puntland lagu maamulayo wixii hadda ka dambeeya, waxaana lagu wadaa inay saacadaha soo socda u qaadaan afti.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay matalayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay Puntland ka mid tahay, waxaana lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Garoowe inuu kulammo la yeesho madaxda Puntland isgaoo kala hadli doono xaaladda dalka uu ku sugan yahay.
Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu horay u sheegay in ansixinta dastuurkooda uu ka horreyn doono midka guud ee Soomaaliya, isagoo sheegay in tani ay sahlayso in ay la jaan-qaadan ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya