Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo tagay Gobolka Gedo si ay u qiimeyaan Xaaladaha Bani'aadamnimada iyo Ammaanka

 Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Wafdi ballaaran oo ka socda hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoona ujeedada booqashada wafdiga ay ahayd in uu qiimeyn ku sameeyo xaaladda bini'aadamino iyo tan nabadgelyo ee ka jirta degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Wafdiga oo ka koobnaa ilaa lix xubnood ayaa waxa si diiran garoonka diyaaradaha ee degmada Luuq ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Degmadaasi, Odoyaal iyo qaar katirsan ururrada Maxaliga ah ee ka howlgala degmadaasi.

Wafdiga ayaa markii uu yimid kadib kulamo la qaatay masuuliyiinta maamulka Degmada, Odoyaasha iyo Ururrada Samafalka ah ee ka howlgala degmadaasi, waxayna kawada hadleen arimo ku saabsan xaaladda biniaadamino ee gobolka iyo weliba tan ammaanka.

Guddoomiyaha Degmada Luuq Axmed Buulle Max'ed oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in ay si guul ah ugu soo dhamaadeen kulamadii ay la qaateen wafdigii ka socday Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in ay u ballan qaadeen in ay sida ugu dhaqsaha badan uga howlgeli doonaan degmada Luuq iyo degmooyinka kale ee gobolka Gedo ee ay ka jirto nabadgelyada, isagoona sheegay in dhawaan ay xafiisyo ka furan doonaan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Xubno katirsan wafdiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Luuq, waxayna sheegeen in xogta laga siiyay degmada Luuq ay u gudbin doonaan xafiisyadooda magaalada Nairobi.

Wafdigani ayaa ah kii ugu sareeyay ee ka socda Qaramada Midoobay oo ku dhowaad afar sano gaara gobolka Gedo, waxaana imaatinka wafdigani uu kusoo beegmaya xilli gobolka Gedo ay ka jirto dhibaato dhinaca bini'aadanimada ah oo ay ka cabanayaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi oo ay si weyn u saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya