Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Mr. André Marcela oo Muqdisho kula warbaahinta ayaa sheegay in mas'uuliyiinta DKMG ah ee Soomaaliya uu kala hadlay qaabka loosoo xulayo odoyaasha ansixinaya dastuurka Soomaaliya iyo xulidda xildhibaannada cusub ee bedelaya kuwa hadda shaqeynaya.
Mr. Marcela ayaa sheegay in labadan arrimood loo baahan yahay inay noqdaan kuwo ku dhaca qaab cadaalad ah, isagoo sheegay in dowladdiisu ay ka walaacsan tahay arrimahan.
Dowladda KMG ah ayaa waxay wadaa qorshayaal ay ku sameynayso dastuur cusub kaasoo ay guddiyada ku howlan sheegeen inuu marayo meel gabo-gabo ah, sidoo kale waxaa socda qorshe lagu soo xulayo wakiillada beelaha Soomaalida si ay u soo xulaan xidhibaanno cusub oo tiradoodu gaarayso 225-xubnood.
Dhanka, danjiruhu wuxuu tallaabo wanaagsan ku tilmaamay wadahadallada dhex-mari doona DKMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland isagoo xusay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu doonayo in xal loo helo dhibaatada ka jirta Soomaailya oo dhan.
Ugu dambeyn, safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay mashaariic ka fuliyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho wuxuuna sheegay inay arrintaas kala hadleen ra’iisal wasaaraha xukuumada KMG ah, C/wali Maxamed Cali dhawaanna ay rajeynayaan inay dib u dhis ku sameeyaan isbitaalka Martiini oo ay dhistay dhistay dowladda Talyaaniga xilligii gumeysiga.
Dowladda Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay dowladaha sida dhow ula socda xaaladaha dalka Soomaaliya muddadii 20-ka sano ahayd ee ay dagaalladu ka jireen, waxaana dhowr jeer oo hore Talyaanigu ay sheegeen inay caawinayaan Soomaalida.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya