Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo kalluumeysato ah ayaa ku dhaawacmay duqeyn ay diyaarado dagaal oo aan la garanayn ay xalay ka geysteen deegaanka Gumbax oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.
Labada qof ee dhaawacmay ayaa la sheegay inay ka mid yihiin kalluumeysatada deegaanka duqeyntu ka dhacday, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah oo duqeynta ka dhalatay.
"Duqeyntu waxay xalay saqdii dhexe ka dhacday meel dhowr mayl u jirta xeebta deegaanka Gumbax, waxaana diyaaraduhu ay gubeen qalab fara badan oo kuwa kalluumeysiga ah," ayuu yiri duqa deegaanka ay duqeyntu ka dhacday Faarax Siciid Jaamac oo saxaafadda Puntland la hadlay.
Sidoo kale, Faarax Siciid wuxuu sheegay inaysan ogeyn dalka iska leh diyaaradaha duqeynta geystay iyo ujeedkooda, isagoo sheegay inay kasoo duuleen maraakiibta ku sugan badweynta Hindiya.
Dadka ku nool gobolka Bari ayaa sheegay in duqeyntu ay ahayd mid culus oo laga maqlay deegaanka gobolka, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in doomaha ay wateen kalluumeysatada looga shakiyay inay yihiin burcadbadeed.
Waa markii ugu horreysay oo diyaarado dagaal oo aan la garanayn ay duqeymo ka geystaan gobolka Bari, mana jiro khasaare dhimasho oo lasoo warinayo in duqeyntu dhalisay, iyadoo maamulka Puntland uusan weli ka hadlin duqeyntan dadka rayidka ah ay waxyeeladu kasoo gaartay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya