Siminaar Muqdisho loogu qabtay in ka badan 100-haween ah oo ka socday qaybaha Bulshada (SAWIRRO)


Khamiis, May 12, 2011 (HOL) Hay'adda midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa siminaar ugu qabatay magaalada Muqdisho in ka badan 100 haween ah oo ka kala socday qaybaha bulshada Soomaaliyeed, iyadoo siminaarkan looga hadlayay qaabka ubadka looga badbaadin karo adeegsiga dagaalada iyo sida looga hortagi karo guurka qasabka ee haweenka.

Siminaarkan oo ahaa qeybtii labaad oo UYS ay u qabato haweenka ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, haween ka socday ururada haweenka iyo guddiga haweenka ee hay'adda UYS.


Guddoomiyaha degmada Wardhiigley ee maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ah ahna guddoomiyaha guddiga haweenka UYS Deeqo C/qaadir Axmed oo siminaarka furtay ayaa ugu horreyn ka hadashay sidii caruurta looga badbaadin dagaalada, iyadoo xustay in caruurta ay yihiin kuwo ugu nugul u adeegsiga colaadaha.

Deeqo Axmed oo soo qaadatay dilkii Usaama Bin Laden saameynta uu ku reebi karo Soomaaliya ayaa sheegtay in haddii uu Usaama dhintay aysan fikraddiisu dhiman, isla markaana ay shaqeyneyso, waxaana ay tilmaamtay in Usaama hortiis aanay caalamka dhibaato iyo qarax ka jirin sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay uga mahadcelisay hay'adda UYS kaalinta ay ka qaadato baraarujinta bulshada qaybaheeda kala duwan iyo sidii ay ugu dadaalayso in laga hortago in caruurta loo adeegsado dagaallada iyo guurka khasabka ah.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga haweenka ee UYS Xaawo Cali Maxamuud (Xaawo Kiin) oo siminaarka ka hadashay ayaa sheegtay in hy'addu ay isku xil-saartay sidii loo baraarujin lahaa ubadka, isla markaana looga hortagi lahaa u adeegsiga dagaallada.


Mar ay ka hadashay guurka khasabka ee haweenka ayay tibaaxday in taasi ay horseedayso in haddii gabadha lagu qasbo nin aanay raali ka ahayn ay taasi keeni karto in gurigaas uu dumo, waxayna carrabka ku dhajisay in dhaqanka aanay qasab noqon karin, isla markaana uu ku imaanayo furiin deg-deg ah.

Sidoo kale; waxaa goobta ka hadlay xubnaha guddiga haweenka UYS oo ay ka mid ahaayeen Carfoon Wehliye Siyaad, Luul Warsame Guuleed, iyo Faadumo Axmed Geeddi oo dhammaan sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyigelin joogto ah, isla markaana la sameeyo xarumo dhaqan-celin ah oo caruurta lagu baraarujiyo si aan dagaallada loogu adeegsan.

Raxmo Dahir Maxamed oo iyana ka mid ah guddiga haweenka UYS ayaa sheegtay in muhiimada uu yeelan karo isu-imaatinkan oo kale ay tahay inay bulshada isfahamto iyo inay isku duubnaato, taasoo qayb ka qaadan karta sidii nabada lagu soo celin lahaa.

Sidoo kale, mar ay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya hay'adaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayay sheegtay in haweenku ay ka qaataan kaalintooda sidii xal loogu heli lahaa, iyadoo caddeysay in haweenka door-weyn ay bulshada ku dhex leeyihiin, waxayna xustay in lagama maarmaan ay tahay in haweenka ay u shiraan koox-koox, si xal looga gaaro, ayna ogaadaan in haweenku aysan asal u ahayn khilaafka jira.

Raxmo waxay tibaaxday in haweenku ay raggu qiimeeyaan iyadoo tilmaamtay in haweenka ay door ku lahaayeen dhallintii xorriyada dalka, waxayna intaa ku dartay in haweenka ay yihiin kuwo dahabkooda u gaday ragga si xornimo loo gaaro.


Ugu dambeyn, xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo akhriyay qaar ka mid ah qodobbada siminaarka ayaa sheegay in haweenka ay door ku leeyihiin wacyi-gelinta bulshada, isagoo ku ammaanay UYS dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku gaari lahayd bulshada Soomaaliyeed horumar.

Xildhibaanka oo mid-mid u akhriyay ajandayaasha siminaarka ayaa soo qaatay in xilligan dagaallada ka socda dalka ay yihiin kuwo qasab ah, isla markaana sababay in haweenka si khasab ah lagu guursado, taasoo uu ku sheegay inuusan qoys ku dhismi karin.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya