Wabiga Jubba oo Ku Fatahay Xaafado Ka Tirsan Degmada Bu'alle ee Xarunta Gobolka Jubbada dhexe

Khamiis, May 12, 2011 (HOL) Hal qof ayaa ku geeriyooday guryo badanna waa ay ku burbureen kadib markii uu Webiga Jubba ku fatahay xaafado ka tirsan degmada Bu’aale ee xarunta gobolka J/dhexe, waxaana fatahaada webiga ay ka danbeysay kadib markii ay roobabka gu’ga siweyn uga curteen qeybo katirsan gobollada Jubooyinka.

Max’ed Cismaan Jeemis oo kamid ah iskaashatada beeraleyda gobolka J/dhexe ayaa HOL u xaqiijiyay in webiga jubba uu ka fatahmay dhowr meelood, iyadoona fatahaada webiga ay galaafatay dhismayaal fara badan oo ay ku noolaan dad rayid ah, waxaana uu sheegay in fatahaada webiga ay sababtay dhimasha hal qof oo dadka deegaanka ah.

Beeraleyda gobolka J/dhexe ayaa iyagu walaac ka muujiyay fatahaada uu sameeyay webiga Jubba iyagoona sheegay in ay ka cabsi qabaan in fatahaada webigu ay galaafato dalagyadii ay beerteen.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee uu webiga Jubba ku fataho xaafado katirsan degmada Bu’aale , haseyeeshee waxaa jirtay marar badan oo uu sidan oo kale ugu fatahay dhul beereedyo iyo xaafado katirsan degmada Bu’aale ee xarunta gobolka J/dhexe, waxaana aalaaba ay arintani timaadaa kadib markii ay curtaan roobaabka xilliga gu’ga kuwaa oo buuxdhaafiyo webiga Jubba islamarkaasina sababa in uu ku fataho degmooyin iyo deegaano katirsan gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya