Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Roobab lagu diirsaday ayaa labadii maalin ugu danbaysay ka da'ayay qaybo kamid ah gobollada Puntland gaar ahaan goobihii ay si aadka ah ay u saamaysay abaartii dhawayd ee khasaaraha badan sababtay.
Meelaha u sida wanaagsan u biya dhigay roobkan waxaa kamid ah degmada Qardho ,Garowe ,Galkacyo iyo miiga gobolka Bari,iyadoo ay jiraan meelo laga rajaynayo in uu ka da'o oo ay Bosaaso kamid tahay.
"Roobkii bilowday xalay saqdii dhexe waxa uu joogsaday saaka aroortii aad ayeyna degmada u roobaysatay "ayuu tiri Naciimo oo kamid ah dadka deegaankaasi oo aan maanta la xiriiray.
Waxaa kaloo uu ka da'ay miiga Kar-kaar oo xoollo badan ay ku le'deen intii abaarta lagu guda jiray,iyadoo iminka la soo sheegayo in dadku ay ka faa,idaysanayaan raxmadda uu ilaaheey u soo keenay.
Gaadiid badan oo kuwa xamuul qaada ah ayaa xalay ku xayirnaa magaalooyinka Garowe iyo Qardho ,kuwaasi oo ka cabsi qabay roobka ,mana jirto wax khasaare ah oo uu roobka gaystay inta la ogyahay.
Degmooyinka uu sida wacan u biya dhigay roobka maalmihii la soo dhaafay waxaa kaloo kamid ah degmada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal iyo nawaaxigeeda halkaasi oo la sheegay in bill ka hor ay dad harraad uga geeriyoodeen.
Ugu danbayntii gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo aan waydiiyay sida loo mareeyay lacag gaaraysa boqolka kun oo dollar oo lagu tala galay dadka abaaraysan maadaama iminka uu roob da'ay ayaa sheegay in lacagtaasi loo qaybiyay habkii loogu tala galay.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya