Madaxweyne Yoweri Museveni oo markii afaraad loo dhaariyay xilka Madaxweynimo ee dalka Uganda

Khamiis, May 12, 2011 (HOL) Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii afaraad loo dhaariyay xilka madaxnimo ee dalkaas, kaddib markii uu ku guuleysatay dooarshooyinkii madaxnimo ee dalkaas ka dhacay horraantii sannadkan.

Museveni ayaa dalka Uganda hoggaaminayay 25-sano, iyadoo dhaarintiisa ay kusoo beegantay xilli wax la iska weydiinayo muddad dheer ee uu xilka hayay, waxaana dhaarintiisa ka qaybgalay madaxweynayaal Afrikaan ah oo uu ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynaha Soomaaliya.

"Anigoo ah Yoweri Museveni, waxaan ku dhaaranayaa magacaba Alle dalkeyga iyo dadkeyga ugu shaqeynayo si daacad ah, aana dhowrayo axdiga Uganda, Allena waxaan weydiisanayaa inuu igu kaalmeeyo," ayuu Moseveni yiri markii la dhaarinayay.

Xafladda dhaarinta waxaa sidoo kale goobjoogayaal ka ahaa: madaxda dalalka Nigeria, Itoobiya, Kenya, Zimbabwe, Tanzania, Jamhuuriya Congo iyo Koonfurta South Sudan.

21 madfac ayaa la riday markii ay dhaarintu dhammaatay, kuwaasoo lagu maamuusayay dhaarinta madaxweynaha dalka Uganda Museveni oo 66-jir ah, isagoo doorashooyinkii dhacay bishii Feberaayo ee sannadkan kaga guuleysaty hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Dr. Kizza Besigye.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa loo diiday inuu shalay dalkaas ku laabto, kaddib markii la shaaciyay in diyaarad wadda aysan kasoo degi karin garoonka diyaaradaha ee Uganda, waxaana Besigye uu dalka Kenya u joogay daweynta dhaawac ay u geysteen ciidamada amaanka dalka Uganda.

Dr. Besigye ayaa qaadacay natiijooyinkii doorashada isagoo sheegay in codadka lagu shubtay, iyadoo Museveni oo ka guuleysatay uu hoggaamin doonaa dalkaas shanta sano ee soo socota.

Madaxweynaha Uganda wuxuu doorashadii dhacday bishii Feberaayo ee sannadkan uu ka helay 62% sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka dalkaas, sidoo kale Besigye oo ahaa hoggaamiyaha sida aadka ah ugu dhow ayaa helay 55% codadkii la tiriyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya