Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergey ka socday Dowladda Ingiriiska


Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdullaahi Moxamed (Farmaajo) ayaa wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Dowladda Ingiriiska, Matt Baugh.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Dowladda Ingiriiska booqashadiisa iyo imaatinkiisa caasimadda dalka ee Muqdisho. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska kaalmadooda joogtada ah gaar ahaan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxuu uga mahadceliyey dowladda Ingiriiska sida ay arrimaha Somalia ugu soo jeesteen oo ay markhaati ka tahay in shirkii 10-ka March ka dhacay golaha Ammaanka ee UN-ka in dowladda Ingiriiska ay u soo dirtay shirkaas Wasiirkooda Arrimaha Afrika.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa qaaliga ah uuna sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu markii ugu horreysay ay tahay oo uu ku soo booqdo xafiiskiisa ee magaalada Muqdisho. Ergeyga ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha socdaal uu ku soo maray Puntland.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday dowladda Ingiriiska inay ku dadaalaan sidii Dowladda Somalia looga saacidi lahaa arrimo badan si loo soo celiyo amniga iyo dowlad wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin kooban ka siiyey Ergeyga dadaalada socda iyo go’aankii 27-kii March ay golaha wasiiradu ku gaareen in doorashooyinka madaxda qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah si aan hakad u gelin horumarka la taaban karo ee dhanka amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Ergeyga Ingiriiska waxay isla garteen in loo baahanyahay in caalamka iyo Dowladda Somalia ay sii wadaan wadahadalkooda iyo la tashiyadooda ku wajahan sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah. Waxey kaloo isla garteen in loo baahanyahay sidii gar-gaar bani’aadanimo loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed.          

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya