Xubno ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca oo maamul cusub uga dhawaaqay degmada Caabud-waaq

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Kulan ka dhacay degmda Caabud-waaq ee goballka Galgaduud isla markaana ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa looga dhawaaqay mas'uuliyiin cusub oo sida la sheegay hogaamin doona maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Kulanka ka dhacay degmada Caabud-waaq ayaa laga sheegay in guddoomiyaha guud ee gollaha Ahlu Sunna Waljameeca loo doortay Shiikh Ibraahim Shiikh Xassan (Guureeye), halka guddoomiyaha gollaha fulinta loo magacaabay Shiikh Xusseen Max'ed Cosoblle, waxaana ay magacaabistani noqoneysa khilaaf muuqda oo soo kala dhaxgalay maamulka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Labo cisho ka hor ayeey aheyd markii kulan lagu soo gaba-gabeeyay degmada Dhuusa-mareeb ee goballka Galgaduud looga dhawaaqay in mar kale loo doortay guddoomiyaha gollaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Max'uud Shiikh Xassan oo horay u ahaa guddoomiyaha guud ee golaha Ahlu Sunna Waljameeca.

Xubnaha ku shiray degmada Caabud-waaq ee ku dhawaaqay mas'uuliyiinta la sheegay in hogaamin doonaan Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa sheegay in talaabadani ay qaateen kadib markii ay la tasho badan la sameeyeen qeybaha kala duwan ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca, iyaga oo intaa ku darray in xubnihii hore xilka laga qaaday.

Khilaafka u dhaxeeya maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee ku aadan dhinaca hogaanka ayaa laga yaabaa in uu dib u dhac ku keeno doorkii siyaasadeed ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ku lahaa xaalada khalafsan ee dalka Soomaaliya, islamarkaana uu wiiqyo awoodii dhinaca militariga ee lagu wada mideysnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya