Sare u kac Xooggan oo laga dareemayo maciishadda Suuqyada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Sare u kac aad u xoogan ayaa laga dareemayaa qiimaha lakala siisto maciishadaha kala duwan gaar ahaanna kuwa quutul duruuriga ah ee suuqyada magaalada Kismaayo, waxaana arintaasi loo aaneynayaan isbadbadal xoogan oo mudooyinkan danbe laga dareemayay sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada magaalada Kismaayo.

Maciishadaha sare ukaca xoogan laga dareemayo ayaa waxa kamid ah Burka Bariiska iyo Sokorta oo iyagu ah raashiinka quutul duruuriga ah ee ay dadka reer Kismaayo sida aadka ah u isticmaalaan.

 “Sare ukacan raashiinka ku yimid waxa sababay doolarka oo aan qiimihiisu fadhin iyo iyadoo doomihii keeni jiray badeecooyinka sida sokorta oo kale ay soo daaheen, waxyalaha sida aad ah sare ukaca looga dareemayo waxa kamid ah sokorta oo loorkeedii uu hore u ahaa $42 haatanna uu marayo $55, sidoo kale burka iyo bariiska ayaa iyaguna xooga qiimo koror ku yimid,” ayuu yiri Axmed Aadan Cali oo kamid ah ganacsatada reer Kismaayo oo u waramayay HOL.

Mr. Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ay filayaan in ay dhawaan soo xirtaan doomo sida raashiiinka quutul duruuriga ah sida Burka, Bariiska iyo Sokorta isamarkaasina ay filayaan in ay wax iska badali doonaan qiimaha maciishada oo haatan uu ku yimid sare u kac xoogan.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujiyay sare ukacan ku yimid maciishada suuqyada Kismaayo, waxaana ay arintani saameynta ugu badan ku yeelatay dadka danyarta ah ee dhaqan xerooyinka barakacayaasha ee magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya