Xildhibaanno kasoo horjeestay shirka ay Qaramada Midoobay qabanqaabinayso ee lagu qabanayo dalka Kenya

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Mudayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay shir ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay oo lagu wado inuu ka dhaco Nairobi ayna ka qaybgalaan dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira, iyagoo xildhiabannada ka codsaday inay shir deg-deg ah ka yeeshaan shirkan.

“Madaxda dalka waxaan ugu baaqaynaa inaysan ka qaybgelin shirkaas, haddii ay ka qayb-galaanna waxay khiyaaneen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen.

Mudane Casharo, wuxuu sheegay in iyagu ay u taagan yihiin wax ka qabashada arrimaha dalka Soomaaliya, ayna Qarammada Midoobay ugu baaqayaa inay ka dayso faragelinta ay ku hayso, isagoo xusay in shirkan uu u muuqdo mid lagu xaqirayo Soomaalida oo lagu tilmaamayo dad aan tashan karin isna maamuli karin.

Xildhibaan Muuse Cali Cumar oo isaguna ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in xildhibaannadu ay kulan deg-deg ah ka yeeshaan shirkan, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid kasoo horjeeda jirtaanka iyo qarannimada dalka Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed uu baraarugo oo ay isweydiiyaan maxaa jira, Mahiga wuxuu Soomaaliya ka dhigtay mashruuc uu lacag ku helo, waxaana shirkaas u aragnaa mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya,” ayuu xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi ka sheegay shirka jaraa’id.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mudanayaal ay ka mid yihiin: Bishaaro Cadi Garabey iyo Garweyne Kuulow Aweys, iyadoo xubnahan ay sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka ay uga digeen inuu shirkaas ka qaybgalo uuna ka ogolaaday, sidoo kalena madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay uga digayaan in shirkaas ay ka qaybgalaan.

“Soomaaliya waa loo tashaday lamana ogolaha inay wax qabsato, dowladdii Soomaaliya  qabiil ayaa lagu burburiyay, maantana jilib-jilib ayaa la doonayaa in lagu qaybiyo, arrintaasna waxay caddeynaysaa inaan la doonayn Soomaaliya oo dowlad ah, balse la doonayo in laga dhigo meelo yaryar iyo beelo-beelo lagu adeegto,” ayuu Xildhibaan Cabdi Xaashi hadalkiisa ku daray.

Hadalka xildhiabannadan ayaa imaanaya iyadoo shalay uu soo gaaray Muqdisho wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya danjire Augustine Mahiga, kaasoo warqado casuumaad ah oo looga qaybgalayo shirka Nairobi u keenay madaxda DKMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya