Jimco, Maarso 25, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab, maadaama ay yihiin kuwii u taagnaa inay dalka iyo dadka difaacaan.
“Dal walba waxaa ammaankiisa ka shaqeeya ciidamadiisa, idinkana waxaa la idinka donayaa inaad ammaanka dalkan soo celisaan,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif oo degmada Wardhiigley kula hadlya boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Sheekh Shariif, wuxuu sidoo kale ciidamada dowladda uga digay inay dhibaateeyaan shacbka isagoo sheegay in shacabku ay yihiin shacabkoodii. Sidoo kalena wuxuu ugu baaqay inay salaadda dukadaan isagoo sheegay in salaaddu ay tahay mid xiriirisa Alle iyo addoomadiisa.
“Waddankan wuxuu burburay markii ay ciidamadii xoogga dalka burbureen, ciidanna waa mid ku dhisan runta, sarkaal walba waxaa laga doonayaa inuu run ka sheego tirada ciidamada uu xukumo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada DKMG ah looga fadhiyo inay Muqdisho iyo gobollada dalka ka saaraan Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan Soomaaliya iyo gobollada dalka oo dhan.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa AMISOM ayaa labadii sano ee ugu dambeysay dagaal kula jirta Xarrakatul Shabaab oo inta badan Muqdisho iyo gobollada dalka ka talisa, iyadoo ay u suurogeli la’dahay inay ka saaraan caasimadda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya