Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ee Xararkatul Shabaab oo tababar ciidan u soo gabagabeeyay Odayaal

Jimco, Maarso 25, 2011 (HOL) – Maamulka Islaamiga ah ee gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa tababar ciidan shalay oo Khamiis ahayd ugu soo gabgabeeyay 610 oday dhaqameed oo ka kala socday degmooyinka gobolkaas iyo beelaha daga.

Tababarkan oo socday muddo hal toddobaad ah ayaa wuxuu ka socday dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo odayaashii ka qaybqaatay ay dhoola-tusyo ciidan kusoo bandhigeen degmooyinkii ay tababarka ku qaateen.

"Odayaasha tababarka loosoo xiray waxay barteen toogashada iyo qaababka ciidanka si ay uga qaybqaataan dagaallada ka socda dalka Soomaaliya iyo kuwa caalamka," ayuu yiri waaliga gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo saxaafadda la hadlay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in odayaashu ay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar iyo tababarradii ay qaateen qaarkood, si ay u muujiyaan inay diyaar u yihiin inay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed ka difaacaan cadowga kusoo duulay.

Mid ka mid ah odayaashii tababarka qaatay ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay tababarka uu qaatay, uuna diyaar u yahay inuu ka qaybgalo dagaallada Muqdisho iyo gobollada dalka ka socda ee ay Xarraktaul Shabaab kula jirto DKMG ah iyo AMISOM oo gacan siinaysa.

Xarrakatul Shabaab ayaa horay tababar noocan oo kale ah odayaal ugu soo xirtay gobolka Shabeellada dhexe, kuwaasoo soo gaaray Muqdisho sheegayna inay ka qaybqaadanayaan dagaallada looga horjeedo dowladda KMG ah iyo Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya