Dagaallo xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jimco, Maarso 25, 2011 (HOL) – Laba qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo xalay iyo saakay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaallada iyo duqeymahan oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan warshadii caanaha iyo isbitaalkii xoogga ayaa ahaa kuwo culus, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo kala gaaray dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Saraakiil u hadlay Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay inay iyagu weerarrada ku qaadeen saldhigyada AMISOM, kaddib markii ay halkaas ka billaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, weerarkoodan uu ahaa mid ay uga hortagayaan dhaqdhaqaaqyadaas.

Madaafiic laga tuurayay saldhigyada AMISOM ayaa ku dhacay degmooyin ka fog kuwa lagu dagaalamay, kuwaasoo geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee gaartay dadka shacabka ah.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor uu afhayeenka AMISOM Maj. Ba-huko Barigye u sheegay saxaafadda inay qorsheyaan inay isku ballaariyaan Muqdisho, si ay ciidammo cusub oo kusoo biiray ay saldhigyo uga sameeyaan degmooyinka ay haatan ka taliso Xarrakatul Shabaab.

Xarrakatul Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay iska difaacayso weerar walba oo kaga yimaada DKMG ah iyo AMISOM oo iskaashanaya, waxaana inta badan Muqdisho ka talisa Xararkatul Shabaab oo ah kooxda keliya ee kasoo horjeeda jirtaanka dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada Midowga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya