Jimco, Maarso 25, 2011 (HOL) – Ugu yaraan toddoba ruux oo ay ku jiraan shan dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarrakatul Shabaab ayaa ku dhintay saddex qarax oo xalay fiidkii ka dhacay saldhig ay Xarrakadu ku lahayd deegaanka Ceelasha Biyaha oo koonfur kaga beegan Muqdisho 17-km, waxaana ku dhaawacmay qaraxyadaas saddex qof.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in weerarka uu ahaa bambooyin lagu tuurtay gudaha saldhigga, inkastoo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay oo saldhiggaas lala beegsado tan iyo markii ay sannadkii hore isku biireen Xarrakatul Shabaab iyo ururkii Xisbul Islaam.
"Waxaan arkay maydadka shan dagaalyahan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo laga soo saarayo saldhigga, dhammaantood waxay xirnaayeen tuute," ayuu yiri goobjooge diiday inuu magaciisa sheego oo saxaafadda la hadlay.
Laba qof oo shacab ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaas bambaano ee lagu qaaday saldhigga, iyadoo saraakiisha Xarrakatul Shabaab aysan ka hadlin weerarka iyo cidda ay ku tuhmayaan inay ka dambeyso.
Xarrakatul Shabaab ayaa dagaal kula jirta DKMG ah iyo AMISOM, iyadoo weerarka uu saameyn xooggan ku yeeshay socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, inkastoo saakay ay xaaladdu tahay mid daggan oo ganacsigii dib loo furay.
Dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab ayaa saakay ka billaabay koontaroollo ay ku leeyihiin jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye baaritaanno ay ku sameynayaan gaadiidka iyo dadka la socda, iyadoo baaritanaannadu ay yihiin kuwo ka adag kuwii hore ay u sameyn jireen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya