Talaado, Janaayo 04, 2011 (HOL) – Guddiga garaarka bani’aadamnimo baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa maanta ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya in gargaarka caalamku ugu talogalay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan aanay musuq-maasuqin, iyagoo ka dalbay inay gaarsiiso dadka ku dhibaateysan dhammaan gobollada Soomaaaliya.
“Waan la soconna, doonida gargaarka wadda ee ku xiran dekedda Muqdisho, xukuumadda waa in gargaarkaas ay gaarsiiso dhammaan dadka ku dhibaateysan gobollada Soomaaliya,” ayuu yiri guddoomiyaha guddigan Maxamuud Cabdi Caliyoow oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.
Guddoomiyuhu, wuxuu sidoo kale ka codsaday Xarraatul Shabaab oo maamusha gobollada koonfureed ee dalka inay u ogolaadaan hay’adaha gargaarka inay mucaawinooyinka gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu waxyeellada u geysteen ee ku nool gobollada ay ka taliyaan.
Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka jira abaaro si guud u saameeyay gobollad dalka, kaddib markii uu baaqday roobkii dayrta ee sanadkan iyo mirihii beeraha oo aan si wanaagsan u bixin, waxaana abaarahaas ay sababeen inay xoolaha iyo dadku dhintaan.
“Xukuumaddu, waa inaysan ku takri-falin gargaarka hay’adaha caalamku ay soo marsiinayaan, baarlamaanku wuxuu diyaar u yahay inuu gargaarkaas kula xisaabtamo xukuumadda,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga gargaarka bani’aadamnimo ee baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow oo isna saxaafadda la hadlay.
Hadalka guddiga gargaarka bani’aadamnimo ee baarlamaanka, ayaa kusoo beegmaya xilli ay shalay ka dhigeen Muqdisho dibadbax dad kasoo barakacay gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo xusay in gargaarkii loogu talogalay la dhacay, kana codsaday hay’adaha gargaarka inay toos ugu keento wixii ay ugu talogaleen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya