Ciidammada ammaanka Koonfur Afrika oo qab-qabtay 25-Soomaali ah oo ka tallaabay xuduuddda dalkaas

Talaado, 04 Janaayo, 2011 (HOL) − Xubno ka tirsan ciidammada ammaanka dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay qabqabteen 25-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo si sharcidaaro ah uga tallaabay xuduudda u dhexeysa dalkooda iyo dalka Musambiik.

"Dhalliyarada aan qabqabannay, waxay da'doodu u dhexeysaa 19 - 35 sano, waxaan qabanay iyagoo si sharci-darro ah uga tallaabaya xuduudda aan la wadaagno Musambiik," ayuu yiri Kabtan Albert Mathonsi oo ah madaxa wafaafinta ee ciidanka ilaalada xuduudaha ee dalka Koonfur Afrika.

Kooxdan Soomaalida ah, ayaa la xiray saacadii hore ee curashada sannadka cusub ee 2011, sidoo kale, ciidammada ilaalada xuduudaha Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay qabteen saddex qof oo kale oo Soomaali ah, kuwaasoo gaari waday uu kala baxsaday koontarool ku yaalla xuduudda Musambiik iyo Koonfur Afrika.

Tahriibayaashan, ayaa lagu waday gaadiid noocyadooda lagu kala sheegay Isuzu, Vokis Wagen iyo Toyoto Corolla, kuwaasoo looga qaatay in xuduudda laga gudbiyo boqolaal doollar, sida ay sheegeen ciidammada ilaalada xuduudda Koonfur Afrika.

Afhayeenka Ilaalada Xuduudaha Koonfur Afrika, Kabtan Leonard Hlathi ayaa isaguna sheegay in dadka la qabqabtay ay yihiin dambiilayaal, dibna loogu celinayo halkii ay ka yimaadeen, wuxuuna sheegay in dhawaan ay bilaaban doonto in la ciqaabo qofkii la qabto isagoo sharcidarro uga gubaya xuduudda dalkooda.

"Howl aad u wanaagsan ayay ciidammadu qabteen... waxay haystaan qalab aad u wanaagsan oo sheegaya gaadiidka meelaha fog maraya, kuwaasoo ka saacidaya cidiammada in gaadiidka wada dadka sharci-darro ku socda aysan xuduudda ka gudbin.

Dalka Koonfur Afirka, ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo ku haysta ganacsiyo kala duwan, iyadoo sidoo kalena galitaanka Soomaalida ee dalkaas uu noqday mid maalinle ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya