Talaado, 04 Janaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo xukuumadii uu hoggaaminayay ay la gashay shirkadda Saracen International, oo la sheegay inay dowladda Soomaaliya ka taageerayso dhinaca ammaanka.
"Ma jirto shirkad shisheeye ah, oo aan heshiis la galay intii aan xafiiska haya... Waxaana maqlay heshiiska Saracen International, markii aan iscasilay kaddib," ayuu yiri Sharma'arke oo BBC-da u warramayay isagoo ku sugan Imaaraadka Carabta.
Mr Sharma'arke, wuxuu sheegay in qoraalka la geeyay baarlamaanka ee lagu sheegay in heshiiska aan innagu galnay uu ahaa mid aan waxba ka jirin, mana ahan qoraal aan innagu wax ka ogeyn.
"Qoraalkaas, wuxuu ahaa mid la sameeyay, hortayda ayuu yaallaa, waana mid uu ka muuqdo isbadal badan marka la eego, qaabkii aan u qoran jirnay iyo luuqadii aan wax ku qoran jirnay," ayuu yiri Sharma'arke.
Ra'iisul wasaarihii hore, wuxuu sheegay in qoraal uu ku caddeynayo inuusan wax lug ah ku lahayn heshiisyada lala galay shirkadaha shisheeye uu u dirayo guddoonka sare ee baarlamaanka, isagoo madaxtooyada Soomaaliya ku eedeeyay inay gashay heshiisyadaas.
"Heshiiska lala galay shirkadda Saracen International, waxaa laga abaabulay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, waxbana kama jiraan hadalkii uu Farmaajo ka jeediyay golaha baarlamaanka markii uu hortagay, kaasoo ahaa inaan heshiiska Saracen aan innagu galnay," ayuu yiri Sharma'arke.
Xildhibaannada baarlamaanka, Soomaaliya ayaa weydiistay todobaad ka hor Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, inuu jawaab ka bixiyo heshiisyo lala galay shirkado shisheeye oo ay ku jiraan kuwo ammaanka ka shaqeeya.
Mudane Farmaajo, oo toddobadkii hore hortagay baarlamaanka ayaa xildhibaannada u sheegay inuu kala socdo shirkadaha heshiiska lala galay Saracen International, ayna la gashay xukuumaddii ka horreysay, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka inay siiyaan afar todobaad oo baaritaanno dheeraad ah uu ku sameynayo heshiisyada lala galay shirkadaha shisheeye iyo qaabkii ay u dhaceen.
Shirkadaha, la sheegay in heshiisyada qarsoodiga ah lala galay ayaa tiradoodu kor u dhaafaysaa lix shirkadood, waxaana ka mid ah: Saracen International, Black Water, SKA Air, Daynamoc iyo RK International.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wax laga weydiiyay heshiiska lala galay shirkadaha ayaa sheegay inuu kala socdo heshiisyo lala galay laba shirkadood oo kala ah: Saracen International iyo SKA Air, ayna heshiisyada la gashay xukuumaddii hore.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya