
Talaado, Janaayo 04, 2011 (HOL) – Siminaar halku dhigiisu ahaa ‘xageen ka nimid xageense u soconaa’ oo ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa maanta lagu qabtay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay in ka badan boqol ruux oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ururada bulshada rayidka, xildhibaano, waxgarad iyo odayaal-dhaqan.
Guddoomiyaha hay'adda CCD Ciise Axmed Cumar oo khadubadii ugu horreysay jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka hay'adda mudadii saddexda sano ahayd ee ay dhisnayd, iyo qorshaha sanadka cusub ay ku dhaqaaqeyso, wuxuuna ugu horeyntii u mahad-celiyay xubnihii kasoo qayb-galay siminaarka oo uu sheegay inay si weyn ula shaqeeyeen saddexdii sano ee lasoo dhaafay.
"In hay’adda CCD aan aasaasno, waxay ku timid markii aan aragnay dhibaatada dalkeena ka jirta dalkeenna iyo dhaqankii oo u muuqda mid meesha kasii baxaya, innagoo isla garanay in culummadu ay yihiin kuwa samatabixin kara dalka," ayuu yiri Ciise Axmed oo sheegay in mudadii ay hay'addu ay dhisnayd ay qabteen 70 bannaanbax oo lagu dalbanayay nabad.
Waxaa kale, oo uu sheegay Ciise Axmed in sannadka cusub uu rajeynayo in hay'adiisu sii ballaariso howlaheeda ku aadan sidii qeybaha bulshada ay uga qaybqaataan horumarinta nabadda, isagoo sheegay in sanadka dambe ay ka howlgeli doonaan guud ahaan magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin degaanaada ay ka taliso Xarrakatul Shabaab.
"Hay'adda CCD, waxay taageersan tahay qorshe walba oo nabadda magaalada Muqdisho lagu soo celinayo, " ayuu yiri Ciise oo dhinaca kale ku booriyay kasoo qeybgalayaashii siminaarka inay aqoon kororsiga u sii gudbiyaan bulshada kale, isla markaana deegaannadooda ay wacyi-gelin uga sameeyaan si nabadda lagu soo celiyo.
Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, oo isaguna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo hay'adda CCD oo uu ku tilmaamay inay tahay hay'adda kaliya ee u istaagtay sidii dalkaan dhibaatada looga saari lahaa, bacdamaa qeybaha bulshada ay u sahashay inay si xor ah uga doodaan wax kasta oo dhibaato ku ah dalka iyo dadka.
Xildhibaan C/llaahi Geedi Shadoor, oo ka mid ah mudanayaashii ka hadlay siminaarka, ayaa isaguna sheegay in dowladda KMG ah halku dhigeedu yahay "Waa kaa hurdee waa noo hadaan", hase yeeshee wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii nabadda lagu soo celin lahaa.
Dhinaca kale, waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay xildhibaan Xasan Cali Warento oo kasoo qeyb-galayaasha ka dalbaday inay hortooda ka caddeeyaan maanta inay nabadda garab siinayaan ayna diyaar u yihiin in Muqdihso ay noqoto goob colaadaha ka caagan, iyadoo xubnihii kasoo qaybgalay siminnaarka ay hadlkaas u riyaaqeen.
Gabagabadii siminaarka, waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay guddoomiyaha haweenka dalladda ururrada bulshada rayidka ex-banaadir Ruqiyo Cali Cabdulle, Xaaji Warsame Cali Suuley iyo wakiilka Imaamka, iyagoo ka qeyb-galayaasha kula dardaarmay in wixii ay barteen ay u gudbiyaan bulshada inteeda kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya