Isniin, February 07, 2011(HOL): Warsaxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Xafiiska warfaafinta ee Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay dagaallo ka bilowday deegaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn.
Warsaxaafadeedkan ayay Xukuumadda ku sheegtay in uusan dagaalkaas wax macno ah lahayn, isla markaana ay ku boorrineyso dhinacyada uu u dhaxeeyo in ay joojiyaan, ayna ka wada xaajoodaan sidii caadadu ahayd waxyaabaha dhaliyay dagaalkan ka dhex bilowday.
“Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada degaanadaasi waxaan ku boorineynaa inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka, xukuumada Federaalka ah waxay damaanad qaadeysaa dhankeeda inay qaado dedaal kasta oo lagu daminayo xiisada”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya.
“Goboladaasi waxay ka mid yihiin gobolada xasiloon ee dalka Soomaaliya, xukuumaduna wey ka walaacsan tahay in gobolo hor leh oo dalka ah ay dagaalo iyo xasilooni darri ka dhacaan” ayuu lagu gunaanaday warsaxaafadeedkan.
Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha