Isniin, 07 February 2011 (HOL)- Maxamed Maxamuud Cabsiye oo sheegtay in uu yahay afhayeenka maleeshiyaadka la dagaalamaya Somaliland oo BBC u waramay maanta duhurkii ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii ay maanta la galeen ciidamada Somaliland.
"Somaliland waxa ay ku soo duushay dad deegaan ah oo ay dhibaataysay ,sidaa darteed waxaan cadaynayaa in aan aad uga soo horjeedno maamulka Siilaanyo "ayuu yiri Maxamed oo waraysigiisa dhinacyo badan uga hadlay.
Waxaa kaloo uu sheegay in afar gaari oo nooca dagaalka ah ay ka qaybsadeen ciidamada Somaliland iyo tiro maxaabiis ah,kuwaasi oo uu gaabsaday in uu ka dhawaajiyo tiradooda.
"Dagaalkii maanta waxaan ku qabanay gawaari ay leeyihiin ciidamadii na soo weeraray,mana doonayo in aan cadeeyo tirada maxaabiista ee aan gacanta ku hayno "ayuu hadalkiisa ku daray.
Mar la waydiiyay khasaaraha dhinacooda soo gaaray ayuu sheegay in sedex ruux oo kaliya looga dhaawacay dagaalkii ay maanta galeen oo ahaa mid aad u xoog badan.
Waxaa kaloo uu sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay hor-istaageen ,isagoo ciidamada Somaliland ugu baaqay in ay isaga baxaan dhamaan deegaanada hada lagu dagaalamayo.
Dhinaca kale warar ay BBC-da ka heshay dad ku sugan meelo ku dhow dhow goobaha lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ay jiraan khasaarooyin labada dhinac kala gaaray oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu danbaytnii dagaalka Kalshaale oo marxalado kala duwan soo maray ayaa la sheegay in maanta khasaarihii ugu badnaa uu gaystay ,waxaana soo baxaya baaqyada la xiriira in la hakiyo colaadaha halkaa ka jira
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya