Axad, 06 Feberaayo, 2011 (HOL) – Shirkan oo ay ka qayb galeen qaar ka mid Culimaa’udiinka ugu caansan Puntland ayaa ka dhacay magaalada Garowe ee caasimada Puntland,waxaana lagu soo hadal qaaday dagaaladdii ka dhacay degmada Kalshaale ee gobolka Cayn.
"Waxaan aad uga xunahay dagaaladaasi oo aan u aragno ,kuwo dhibaato ku ah umadda halkaa degan, mana haboona in dhiig qof islaam ah la daadiyo" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo shirka ka dib warbaahinta la hadlay.
Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in aan laga qayb qaadan colaadaha ka jira kalshaale oo la aaminsanyahay in ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimaasho iyo dhaawac.
"Culumadu waxa ay ku baaqaysa in sida uga wanaagsan loo hakiyo colaado halkaa ka sii jira ,sababtoo ah waxaa aad xun dhibaatada ka dhalan karta arimahaas"ayuu hadalkiisa ku daray Sheekha oo ka mid ahaa Culimaa’udiinkii shirkaasi ka qayb galay.
Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in dagaalada noocaan oo kale ah ay ka dhashaan masiibooyin aad u daran sida abaaro daba dheeraada,waxaan uu xusay in ay muhiim sidii qof walba uu uga qayb qaadan lahaa daminteeda.
Madaxda Puntland ayaa maalmo ka hor maamulka Somaliland ku eedeeyay masuuliyada khasaarihii ka dhacay dagaalkii Kalshaale oo ay dad badan ku waxyeeloobeen.
Ugu danbayntii ma ahan baaqii ugu horeeyay oo lagu doonayo in lagu dajiyo colaadda Kalshaale, waxaana iminka muuqata in dadka qaar ee degmada Kalshaale ay aad uga soo horjeedaan dagaalo halkaa ka sii socda.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya
Culimaa’udiinka Puntland oo ku baaqay in si deg-deg ah loo xaliyo colaadaha deegaanka Kalshaale ka taagan
More News
- Maamulka Xarrakada Al-Shabaab ee Degmada Ceel-buur oo xukun gacan-goyn ah fuliyay
- Dowladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaantay dagaallada ka dhacaya Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn.
- Xukuumadda KMG ah oo markii ugu horreysay ka hadashay go'aankii baarlamaanku ku kororsaday xilligiisa shaqo
- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Puntland aysan ka hadli karin go’aannada xukuumadda KMG ah
- Afhayeenka maleeshiyaadka kasoo horjeeda Somaliland oo ka hadlay khasaarihii ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Kalshaale
- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo shuruud ku xidhay wada-hadal ay la yeeshaan Dawladda Federaalka
- Madaxweynaha Somaliland oo khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyay Baarlamaanka
- Dagaal saaka ka bilowday Deegaanka Kalshaale
- Ururka Islaamka oo caalamka ugu baaqay in gargaar deg-deg ah loo fidiyo dadka ku dhibaageysan Soomaaliya
- Buundadii Liiq-liiqato ee Beledweyne oo mar kale burburtay
- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay dacwad ku oogayaan Danjire Augustine Mahiga