Isniin, 07 Feberaayo, 2011 (HOL) Waxaa Galinkii danbe ee maalintii shalay gabi ahaanba bur burtay Buundadii Liq liqato ee magaalada Beledweyne oo 22-kii May ee sanadkii 2010-ka la go'day gaari kuwa xamuulka qaada ah oo goor maqrib ah doonayay in uu ka gudbo Buundada.
Bur burkan danbe ee mar kale ku yimid Buudada Liq liqato ayaa ku soo beegmay xili maalmihii aynu soo dhaafnay maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ka wadeen Buundada howlo lagu tayactirayo, waxaana ay Buundadu mar kale go'day galinkii danbe ee shalay xili ay halkaa ku sugnaayeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee magaalada Beledweyne.
Dadka ku dhaqan magaalada ayaa siweyn uga naxay bur burka mar kale ku dhacay Buundada oo markii hore laheyd qeybo dadku ka mari karo, laakiin waxaa ay hadda qasab ah in dadku adeegsado Doomaha ka shaqeeya hareeraha Buudada.
Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ayaa kol hore ku guuleystay in dib u dayactiraan Buundada degmada Buula-burte oo bur bur uu ka muuqday, waxaana ay maalmihii ugu danbeeyay ku howlanaayeen in ay sidoo kale dhameystiraan dhismaha Buudada Liq liqato ee Beledweyne Inkastoo aysan suurtagalin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Beledweyne, Soomaaliya