Sheekh Yuusuf Indhacadde oo loo magacaabay Jeneraal isagoo ka mid ah saraakiisha dagaallada hoggaaminaya

Jimco, 25 Feberaayo, 2011 (HOL) – Wasiir u dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga DKMG ah Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa loo magacaabay Jeneraal isagoo qayb ka ah dagaalada ka socda Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu aqbalay xilka loo magacaabay.

 

Madaxweyanha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu u magacaabay xilka Jeneraalnimo Sheekh Yuusuf Indhacadde, iyadoo arrintan ay imaanayso iyadoo dowladda ay sheegtay inay ka billowday Muqdisho dagaallo ay ku doonayso inay ku qabsato caasimadda inta uusan xilligeedu dhammaan.

 

“Darajada la ii magacaabay waan aqbalay, waxaana qayb ka qaadanayaan dagaalada Muqdisho ka socda,” ayuu yiri Sheekh Yusuuf Indhocadde, isagoo intaas ku daray in dagaallada uusan joojinayn inta Xarrakatul Shabaab dalka laga saarayo.

 

Sheekh Yusuuf  Indhocadde ayaa sannadkii hore sheegay inuu ka baxay DKMG ah, kaddib markii uu ku eedeeyay inay fulin wayday heshiisyo uu la galay isagoo matalaya xisbigii Xisbul Islaam ee burburay oo uu kasoo goostay sannadkii 2009.

 

“Waxaan ka mid ahay saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee hoggaaminaya dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ee looga horjeedo Xarrakatul Shabaab,” ayuu Sheekh Yuusuf ku yiri shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Muqdisho.

 

Hoggaamiyahan ayaa mar qura la arkay shalay isagoo ka qaybqaadanaya dagaallada ka socda Muqdisho, isagoo xiran dharka milateriga ayna garbihiisa ka muuqato darajada Jeneraalnimada, iyadoo aanay weli madaxda dowladdu ka hadlin dalacsiinta Sheekh Yuusuf Indhacadde oo aan horay u ahayn sarkaal ciidan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya