Jimco, 25 Feberaayo, 2011 (HOL) – Saddex muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa xalay iyo shalay lagu dilay xarunta dalka Liibiya ee Tripoli, sida ay sheegeen goobjoogayaal Soomaali ah oo ku sugan dalkaas, iyadoo sidoo kale dhac loo geystay meherado ganacsi oo Soomaalidu ay ku leeyihiin magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.
“Xalay waxaa lagu dilay Tirpoli wiil iyo gabar Soomaaliyeed waxaana toogtay nin hubeysan oo ka tirsan kooxaha mudaaharaadyada is-bedel-doonka ah sameynaya,” ayuu yiri C/qaadir C/casiis oo ku sugan Tripoli isagoo intaas ku daray in kooxo careysan ay sidoo kale tooreey ku dileen wiil kale oo Soomaaliyeed shalay duhurkii.
Gabadha Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu soo koobay magaceeda Hinda, halka wiilka lala dilay lagu magacaabi jiray Cismaan Cumar Nuur, balse ma aanan helin magaca wiilka kale ee lagu dilay tooreyda.
“Wiilka Soomaaliyeed ee tooreyda ama billawaha lagu dilay wuxuu yaallaa isbitaal weyn oo magaalada ku yaalla mana jirto cid ugu tegi karta, waayo qof walba naftiisa ayuu u cabsanayaa,” ayuu yiri C/qaadir.
Sidoo kale, wiil Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Kareka oo ay kooxo careysan ku dhaawaceen garaac ayaa dhaawiciisa la geeyay safaaradda Soomaalida ee dalka Liibiya, iyadoo sidoo kale la sheegay in dhac loo geystay goobo ganacsi oo Soomalaidu magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ku leeyihiin.
Soomaalida ku nool dalka Liibiya oo tiradooda lagu sheegay 2,000-qof ayaa walaac iyo cabsi weyn ka qaba sida ay xaaladoodu ku dambeyn doonto haddii dowladda dalkaas ay dhacdo, iyadoo dalalka caalamku ay muwaadiniintooda kala baxayaan dalkaas iyadoo aanay jirin cid ay Soomaalidu ku xisaabtamayso inay dalkaas ka bixiso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya