Dowladda Burundi oo qiratay in dagaallada Muqdisho looga dilay lix askari tobaneeyo kalena looga dhaawacay

Jimco, 25 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Burundi oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa qiratay in dagaallada ka socda Muqdisho maalintii Arbacada ahayd looga dilay lix askari , loogana dhaawacay 12-askair oo kale.


“Xoogagga Al-shabaab waxay dagaalkii Arbacadii ka dhacay Muqdisho nalooga dilay lix askari, 12 kalena waa nalooga dhaawacay, waana dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee ay ciidamadeenu galeen tan iyo markii ay tageen Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Burundi Lt-col. Jastace Ciza.

 

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ayaa waxay weerar qorsheysan Arbacadii ku qaadeen saldhigyo ay Xarrakatul-Shabaab kaga sugnayd Muqdisho gaar ahaan jidka warshadaha. Iyagoo sheegay in dagaalkaas ku qabsadeen saddex saldhig oo ay kala ah wasaaradii gaashaandhigga, warshadii caanaha iyo shiirkole ofishaale.

 

Afhayeenka ciidamada Burundi ayaa sheegay in lixda askari ee looga dilay dagaalka iyo kuwa laga dhaawacay ay ka mid yihiin afar guuto oo dalkooda kaga sugan Muqdisho, si ay uga qayb-qaataan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

 

“Haddii aad gasho barkad ay biyo ka buuxaan ma dhacayso inaad kasoo baxdo adigoo qalalan. Sidoo kale haddii aad dagaal gasho dhimasho waa imaanaysaa, wax walbanaha waa ku gaarayaan,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM Maj. Barigye Ba-huko oo dagaalka ka hadlay, isagoo intaas ku daray in dagaalladii ka dhacay Muqdisho ay ku dileen tiro dagaalyahannadii kasoo horjeeday ka mid ah.

 

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa gallinkii dambe ee Arbacadii kusoo bandhigtay xero ku taalla duleedka Muqdisho maydadka shan askari oo ka tirsan ciidamada Burundi oo ay ku dileen dagaalladii ay kula galeen Muqdisho, sidoo kalena waxay soo bandhigeen sarkaal dhaawac ah oo la hadlay saxaafadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya