Jimco, 25 Feberaayo, 2011 (HOL) – Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland oo ka hadlayay shir uu ku qabtay degmada Buuhoodle ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay in ay xasuuq ba'an ka gaysteen dagaalladii ka dhacay Kalshaale maalmihii la soo dhaafay.
"Hadalki madaxda Somaliland ka soo yeeray waxa uu ahaa mid ay isaga fogaynayeen danbiyadii ay Kalshaale ka gaysteen "ayuu yiri wasiirka oo dhinacyo badan ka hadlay.
Waxaa kaloo uu sheegay in Puntland ay ka jawaabi doonto arimihii ka dhacay Kalshaale oo uu sheegay in ay tahay mid si aad ah looga xumaado,waxaana uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaadahaasi.

"Puntland wax lug ah kuma lahayn arimihii ka dhacay Kalshaale,waxaana masuuliyada wixii dhacay iska leh Somaliland "ayuu hadalkiisa ku daray.
Maxamed Faarax Aadan wasiirka ayaa Somaliland ugu baaqay in ay isaga baxaan dhamaan gobollada ay ku suganyihiin,isagoo oo si gaar ah farta ugu fiiqay gobollada la isku yiraahdo SSC.
"Dhibaato badan ayey Somaliland gaarsiisay dad shacab ah oo aan waxba galabsan "ayaa hadaladiisa ka mid ahaa wasiirka oo ay ka muuqatay in uu aad uga xunyahay colaadaha Kalshaale.
Dibadbaxyo looga soo horjeedo colaadaha Kalshaale ayaa Puntland kusoo kordhayay sedexdii maalin ee ugu danbaysay,iyadoo ay jiraan hadalo labada maamul ay warbaahinta isku dhaafsanayeen.
Ugu danbayntii dagaalladii ka dhacay Kalshaale waxaa canbaareeyay Midowga Yurub oo ku tilmaamay in uu yahay mid dhibaato badan oo xaga nolosha ah laga dhaxlay,waxaana jirta in tiro dad ah ay ku nafwaayeen dagaalladii halkaasi ka dhacay.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Soomaaliya