Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee DKMG ah oo maanta sheegay inuu xilkaas iska casilay

Arbaco, Abriil 13, 2011 (HOL) Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee DKMG ah ee Soomaaliya xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa maanta sheegay inuu si rasmi ah iga casilay xilkaas, isagoo sheegay inuu howsha guddiga wadi waayay.

Mudane Xabeeb oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu horay uga sheegay baarlamaanka inuusan howshaas wadi karin, balse ay ra'iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda ka codsadeen inuu howsha sii-wado.

"Waxaan si rasmi ah maanta isaga casilay xilkii guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee DKMG ah, kaddib markii aan howshaas wadi waayay," ayuu xildhibaan Xabeeb Muqdisho ugu sheegay warfdiyeenka, isagoo sheegay in dhawaan uu qaban doono kulan uu arrintan ku faahfaahin doono.

Guddiga gurmadka abaaraha ee dowladda KMG ah oo la dhisay dabayaaqadii bishii Feberaayo ee sannadkan ayaa waxaa horay isaga casilay xubno muhiin ah oo ay ka mid yihiin: Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow, kuwaasoo sheegay inaysan howshan wadi karin.

"Kaamam ku yaalla silligga Mareykanka waxaa gaajo awgeed ugu geeriyooday shan qof oo shacab ah, sidaa daraadeed waxaan go'aan ku gaaray inaan is-casilo," ayuu Xildhibaan Ibraahim Xabeeb horay uga sheegay kulan uu baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay Muqdisho.

Iscasilaadda guddoomiyaha guddigan ayaa imaanayaan xilli ay dhawaanahan ka dhacayeen magaalada Muqdisho dibadbaxyo looga soo horjeedo guddiga gurmadka abaaraha DKMG ah iyo hay'adda WFP oo dadka dibadbaxa dhigayay ay sheegeen inaysan ka helin wax gargaar ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya