|
Kulankan oo shalay ka dhacay Aqalka Cad ayaa labada masuul waxay ku jeex-jeexeen arrimaha dhowr wadan oo ay ka mid yihiin Somalia, Kenya, Libya, Sudan iyo Côte d'Ivoire, maadaama Raila Odinga uu ka midyahay Odayaasha xalinta khilaafaadka qaaradda Africa.
"Labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta arrimaha Amniga Soomaaliya, si geedka Africa uu uga nabadgalo khatarta ka imaan karta Soomaaliya, isla markaan la badiyo gar-gaarka bini’aadamnimada ee Soomaliya la gaarsiiyo" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.
Biden ayaa Odinga uga mahadceliyay sida shacabka Kenya ay ugu guuleysteen xalinta dhibaatadii ka dhacay wadanka Kenya 2007-2008, kaddib doorashadii ay isku qabsadeen isaga iyo Madaxweyne Kibaki iyo sidoo kale ansixinta Dastuurka cusub ee wadanka Kenya.
Labada hoggaamiye aya dhinaca kale ka sheekeystay sidii xal dhab ah looga gaari lahaa dhibaatada ka taagan wadanka Sudan, gaar ahaan magaalada shidaalka ee Abyei iyo gobolka Darfur.
Odinga ayaa ka qeybgalaya Shirka Maalgashiga Africa ee "Africa Investment Conference" ee ka dhacaya magaaladda Washington, iyadoo dhinaca kale uu Madaxweynaha Mareykanka Brack Omaba kala hadli doono doorashada wadanka Kenya ee bisha Augusto 2012 la qaban doono, maadaama uu yahay musharraxa Madaxweynaha Kenya ee xisbiga Orange Democratic Movement (ODM).
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
[email protected]
Nairobi, Kenya
