Ururada Dalmar Foundation iyo WIJA oo 25 Suxufi tababar uga furay Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Arbaco, 13 April 2011 (HOL)- Tababar Saxaafadeed oo socon doona muddo Toddoba maalmood ah, isla markaana ay bixinayaan Xarunta Tababbarrada ee Ururka Dalmar oo qayb ka ah Dalmar Foundation, ayaa 25 Gabdhood oo ka tirsan Warbaahinta Somaliland uga furmay Hotel Star ee Magaalada Hargeysa.

 

Tababarkan oo ku saabsan Tababarka aasaasiga ah ee xirfadda Saxaafadda (Basic Media Skills - BMS) oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Haweenka Saxaafadda Somaliland ee WIJA, waxa maalgelinaya Hay’adda Oxfarm Novib iyo Dalmar Foundation. Munaasibaddii furitaanka tababbarkaas, waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Ururka Dalmar Foundation oo xaruntiisu tahay waddanka Holland, Ururka WIJA, Dalladda Suxufiyiin iyo Marti-sharaf kale.

 

Tababarka oo ah qaybtii labaad, isla markaana ay ka qayb-galeen 25 Gabdhood oo ka tirsan Warbaahinta Somaliland, ayay saxafiyiinta ka qayb-galay waxay u soo qaateen Tababarka Xirfada maamul ee shaqsi (Personal Management Skills -PMS) oo ay hore u bixiyeen Ururka Dalmar Foundation.

 


Madaxa Dalmar Foundation Xasan Macallin Cige, oo Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in Ururkoodu markii saddexaad tababbar Hargeysa ugu qabto Suxufiyiin Somaliland ah, isla markaana dalka dibaddiisa aqoon korodhsi ka soo dhoofiyaan, si ay inta karaankooda ah dhinaca aqoonta uga dhisi lahaayeen Suxufiyiinta kala duwan ee Somaliland. Xasan Macallin, waxa uu ka warramay wax-qabadka Ururka Dalmar.

 

Xasan Macallin Cige waxa uu Weriyayaasha tababbarka ka qaybgalaya u jeediyey in muddada uu socdo ay ku dedaalaan inay ka faa’iidaystaan macluumaadka loo gudbinaayo, isla markaana uga faa’iideeyaan Saaxiibbadooda aan nasiibka u yeelan inay la qaataan culuuntaas.

 

Gudoomiyaha Ururka WIJA Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay tababbarkan uu ka caawinayo Ururka Dalmar, oo ay sheegtay inay soo dhawaynayso wada shaqaynta labada Urur.

 

Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa muujisay inay rejo fiican ka qabto Gabdhaha Suxufiyiinta ah ee tababbarku u furmay inay sida ugu habboon uga faa’iidaysan doonaan muddada uu u socdo.

 

Maaha markii ugu horreysay ee Xarunta Tababbarrada iyo Mashaariicda ee Ururka Dalmar Foundation ay tababar ku qabto Hargeisa.



Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.