Arbaco, Abriil 13, 2011 (HOL) – Siminaar oo ay soo qabanqaabisay ha'yadda CCD loogana hadlayay qaabka ay haweenku uga qaybqaadan karaan joojinta colaadaha ka taagan dalka ayaa maanta lagu qabtay Hotel Saxafi ee Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen boqolaal haween ah.
Siminaarkan ayaa waxaa ugu horreyn lagu daah-furay dood ku saabsan qaabka looga samata=bixin karo ummadda Soomaaliyeed dhibaatada ragaadisay, iyadoo haweenka ka qaybgaadanayay ay ahaayeen kuwo fikradahooda ku cabirayay qaabka ugu haboon ee xalka lagu gaari karo.
Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, haween ka kala socday ururada haweenka iyo qaybaha bulshada rayidka, wuxuuna ahaa mid ku billowday suugaan, buraanbur iyo halku-dhigyo wadaniyad leh ee ay haweenku ku muujinayeen sida ay uga go'an tahay inay colaadda qaboojiyaan.
Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi oo hadal ka jeedisay tababarka ayaa sheegtay in qodobbada looga hadlayo ay yihiin dhibaatooyinka dalka ka taagan iyo sidii xal looga gaari lahaa.
Marwo Canab ayaa sheegtay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka taagan ay door ku leeyihiin fikrado dibadaha laga keenay, waxayna xustay in kuwa dadka dilaya, dhaqankana baabi'inaya ay yihiin kuwo mudan in la is-weydiiyay hadafkooda sida ay hadalka u dhigtay.
"Waxaa nasiib-darro ah oo mucjiso ah in dad muslim ah la dilo, taasna waa arrin lagu xaalufinayo Soomaaliya," ayay tiri Canab oo ka hadlay salka dhibaatada dalka ka jirta, iyadoo sheegtay in inta badan colaadda dalka ay afuufayaan dalal aan Islaam ahayn.
Dr. Ruqiyo Cali Cabdulle oo ah guddoomiyaha ururka haweenka ee HANAD oo iyadana ka hadashay madasha ayaa sheegtay in xad-gudubyada dalka ka dhaca ay intooda badan ku dhacaan haweenka, iyadoo tilmaantay in hay'adaha xuquuqul insaanka ay diiwaan-geliyaan xad-gudubyada dhaca.
Sidoo kale, Ruqiyo waxay sheegtay in wacyi-gelinta joogtada ee la sameynayo ay qayb ka qaadan karto inuu yimaado xalka, waxaana intaa raacisay in hay'adda CCD ay dadaal badan gelisay sidii bulshada ay isugu keeni laheyd iyadoo kulmisay dhamaan qaybaha bulshada siisayna codkooda.
Doodda siminaarka oo ahaa kuwo xiiso badan ayaa waxaa qayb ku lahaa haweenkii lagu casuumay iyagoo muujiyay inay yihiin kuwo laf-dhabar u ah bulshada, isla markaana kaalin weyn ay ka qaadan karaan xal u helidda dalka.
Xubnihii ka hadlay siminaarka ayaa waxaa ka mid ahayd guddoomiyaha qaybta haweenka ee ururka CCD Sahro Maxamuud Amiin, Marwo Cadar iyo haween kale waxayna dhammaantood sheegeen in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi-gelin joogto ah oo caruurta looga soo celinayo waddada qaldan, isla markaana la sameeyo xero lagu tarbiyeeyo laguna waxbaro si ay u noqdaan caruur ka nabad gala dhibaatooyinka dalka ka taagan.
Wasiir ku-xigeenka horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska Faadumo Xasan Cali oo ka mid ahayd mas'uuliyiintii DKMG ee ka qayb-galay siminaarka ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeedisay siminaarka, iyagoo ugu horreyn tusaalaysay kaalinta haweenka kaga aaddan nabadda inay ka shaqeeyaan.
"Haweenku waa inay caruurtooda ku hoggaamiyaan jidka saxan, isla markaana laga celiyo waddooyinka sababi kara inay colaadaha dalka ka taagan ku huriyaan," ayay tiri Faadumo Xasan Cali oo ah wasiir ku-xigeenka haweenka iyo daryeelka qoyska ee xukuumada Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiiradda ayaa sheegtay in ay yihiin dad 100% muslim ah iyadoo ku baaqday in la isku tanaasulo, iyadoo waalidiinta Soomaaliyeed fartay inay caruurta ku tarbiyeeyaan waxbarashada isla markaana haddii jid qaldan uu ku socdo ay ka soo celiyaan.
Haweenkan ayaa ku eedeeyay Xarrakatul Shabaab inay caruurta dagaal geliso, iyagoo sheegay inay cambaareynayaan arrintaas iyagoo sheegay in haddii ay tahay waxay u dagaalamayaan xukun ay yimaadaan miiska wadahadallada.
Ugu dambeyn, tababarkan ayaa ahaa wejigii saddexaad oo hay'adda CCD u qabteen haweenka Soomaaliyeed, kaasoo halku dhigiisu ahaa sidee u joojin karnaa ragga ku dhimanaya colaadaha, kaasoo ahaa mid lagu cabirayay sida haweenka kaalinta ugu qaadan karaan daminta colaadaha ay horseedka ka yihiin ragga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya