Munaasabadda Ciida oo Siweyn looga Dabaaldegay Gobollada Jubooyinka.

Jimco, September 10, 2010 (HOL) - Waxaa munaasabadda ciidul Fidriga manta si weyn looga xusay degmooyinka kala duwan ee gobollada jubooyinka, iyadoo magaalada kismaayo manta laga dareemayay dabaaldega faraxada ciida, waxaana fagaaraha weyn ee Isbartiimo Feekiyo ee bartamaha magaalada kismaayo isugu yimid kumanaan dad ah kuwaa oo doonayay in ay ku tukadaan salaadda ciida.
 
Gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo halkaasi kazoo jeediyay qudbad dheer ayaa waxa uu farxadda ciida ugu hambalyeeyay dadweeynihii halkaasi isugu yimid.


 
Waxaa sidoo kale halkaasi isna qudbad kasoo jeediyay Sheekh Aadan Macalim oo katirsan masuuliyiinta xafiiska dacwada ee degmada kismaayo, waxaana uu siweyn uga hadlay Jihaadka, isagoona ugu baaqay dadweeynihii halkaasi isugu yimid in ay ka qeybqaataan dagaallada ay kula jiraan dowladda KMG, AMISOM iyo urur Diimeedka Ahlusunna Waljameeca.
 
Dhanka kale Degmooyinka Bu’aale, Afmadow iyo demgada Jamaame ayaa iyaguna si weyn looga xusay munaasabadda ciida, waxaana ay munaasabadahani kusoo beegmayaan iyadoo dhamaan gobollada dalka soomaaliya looga dabaaldegayo farxadd Ciida.


 
Sikastaba ha ahaatee munaasabadda ciida ayaa maanta waxa laga xusayaa guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in uusan jirin wax qilaaf ah oo ku aadan munaasabadan ciidul fidriga.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya