Jicmo, September 10, 2010 (HOL) - War-saxaafadeed ay si wadajir ah uga soo baxay Qarammada Midoobay, ururka Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa lagu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay sheegatay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagaxiso oo nasiib-darro ah, isagoo sheegay in lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo dad shicib ah, si xukunna loogu dhaawacay saddex askari oo kale.
Weerarkan ayaa yimid iyadoo shalay ay Muqdisho booqdeen wafdi ka koobnaa saddex xubnood oo kala ahaa: Wakiilka UN-ka ee Soomaaliya Augustine P. Mahiga, Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Boubacar Diarra iyo la taliyaha IGAD ee ammaanka Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta Qaran Mudane Kipruto arap Kirwa.
Saddexdan mas'uul ayaa si wadajira ah u cambaareeyay weerarka, waxayna ku tilmaameen inuu yahay argagax lahaa oo lala bartilmaameedsaday shacabka Soomaaliyeed oo u diyaargaroobayay soo dhaweynta maalinta ciidda.
Waxay tacsi u direen ehellada dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaas, iyagoo xusay inuu yahay mid kor u qaadaya taageeridda dowladda Soomaaliya si ay isaga difaacdo weerarradan oo kale.
Mahiga, Diarra, iyo Kirwa, waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay diidaan dagaallada iyo rabshadaha dalkooda ka jira, ayna dadaal u galaan sidii ay dalkooda ugu soo celin lahaayeen ammaan iyo kala dambeyn.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya