Madaxweyne Shariif iyo Madaxda Islaamiyiinta oo hambalyooyin ciidda ku aaddan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Jicmo, September 10, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxda xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda dowladdiisa ayaa hambalyo ku aaddan Ciidul-fidriga u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif oo saxaafadda kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray, isagoo u baryay inay ciiddan ciiddeeda kale ku gaaraan bash-bash, barwaaqo iyo inay ku ciidaan qaab ka duwan xaaladda hadda lagu jiro.

Madaxweynuhu, wuxuu cambaareyn u jeediyay weerarkii shalay lagu qaaday garoonka Muqdisho oo uu ku sheegay inuu ahaa mid ka mid ah weerarrada laga soo abaabulay dalka dibaddiisa ee ay fuliyeen kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

"Weerarkan wuxuu tusaale cad u yahay in Xarrakatul Shabaab ay quus taagan tahay, ayna ku guuldarreysatay weerarrada tooska ah ee ay kula jirtay DKMG ah," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu, wuxuu ka codsaday beesha caalamka in gacan laga siiyo sidii ay isaga difaaci lahaayeen dagaallada ay kooxaha kasoo horjeeda kula jiraan, wuxuuna xusay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay kooxihii weerarkaas ka dambeeyay ka saarto dalka oo dhan.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay kaga hortagayeen shir ay lahaayeen dowladda, AMISOM iyo xubno ka socday beesha caalamka, kaasoo la doonayay in lagu maleego shirqoollo ka dhan ah Soomaaliya.

Dhanka kale, Mas'uuliyiin u hadlay salaadda ciidda kaddib xoogagga Islaamiyiinta ah ayaa iyaguna hambalyooyin u diray dhammaan shucuubta Soomaaliyeed, iyagoo u rajeeyay inay ciiddan teeda kale ku gaaraaan nabad, iyagoo xusay inaysan joojinay dagaallada ay wadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya