Gobollada, Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Bay, Bakool, Gedo, Banaadir, Hiiraan, Galguduud, Mudug iyo maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta si isku mid ah looga wada ciiday, iyadoo dadku ay isugu soo baxeen barxado waaweyn oo ay ku tukadeen salaadda ciidda.
Inkastoo markii ay bisha Ramadaan curatay bilowgeeda la isku khilaafay, haddana ma jirin khilaaf ku aaddan ciidul fidriga guud ahaan Soomaaliya, iyadoo bisha soon fur laga arkay guud ahaan gobollada dalka.
Kumannaan qof oo isugu jiray, rag iyo dumar watay caruurtooda ayaa ku tukaday goobo gaar ah oo ay Xarrakatul Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam uga cayimeen deegaannada ay gacanta ku hayaan, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Dadweynaha oo labisan dhar aad u qurux badan iyo caruurta oo waxyaabaha lagu ciyaaro gacmaha ku haysta ayaa lagu arkayaa jidadka waaweyne ee gobollada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.
Ciiddan ayaa waxay ka mid tahay ciidaha si weyn looga soo dhaweeyo dalalka Islaamka, waxaana muslimiinta caalamka ay sannadkaan u muuqdaan kuwo aan isku khilaafin cidda maanta lag ciidayo caalamka oo dhan.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa iyaguna dadka Muslimiinta ah u diray hambalyo ku aaddan maalinta ciidul-fidriga, iyagoo u rajeeyay dalalka Islaamka inay ku gaaraan ciiddan ciiddeeda nabad iyo baraare.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya