Ciida Soonfur oo maanta si weyn looga dabaal dagey Nairobi

Jimco, September 10, 2010 (HOL) - Magaalada Nairobi oo ah xarunta dalka ayaa maanta waxaa si weyn oo wadajir ah ay dadka Muslimiinta ah uggu dabaal dageen Ciida Soonfur, taas oo ay dadka dhamaantood aad uggu riyaaqeen.

Dadka ayaa sida caadada ah waxey uggu soo baxeen fagaarayaasha waa weyn ee magaalada, si ay u oogaan salaadda sunadda ee ciida, iyadoo ay si weyn uggu soo baxeen dadweynaha Muslimiinta ee kudhaqan magaalada.

Qaar kamid ah dadkii soo xaadirey salaadda ciida ayaa muujiyey farxaddooda, waxeyna ALLE ka quud dareynayaan inuu ka aqbalo acmaashii kala duwaneyd ee ay soo qabteen intii lagu jirey bisha barakeysan ee Ramadaan.

Goobo ay ka mid yihiin Said Cali iyo Ali Muslim Club ayeey dadweyne aad u farabadan isugu soo baxey , korna u dhaafayey kumanaan kun, si ay u wada qeyb sadaan farxadda Ciidul Fitriga, iyadoo dadka ay isugu jireen rag, haween iyo caruur.

Halkaasi waxaa khudbad ku wajahan salaadda ciida kasoo jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi "Umal", isagoo ummadda Muslimka ah marka koowaad ALLE ugga baryey inuu ka aqbalo soonkii ay soomeen.

Dhanka kale, Sheekhu waxa uu ka hadley qabqabasho iyo xir-xirid loo geystay dhawaanahan dad Muslimiin Keenyaan ah loona dhoofiyey dalka Uganda, wuxuuna ku tilmaamey in taasi tahay xadgudub loo geysanayo dadka Muslimka ah, isagoo dadka uggu baaqey in arrintaasi laga dhiidhiyo.

Uggu danbeyn sheekhu waxa uu cambaaraayey arrin fool xunna uu ku tilmaamey go'aanka nin ku nool gobolka Florida ee dalka Mareykanka oo ku hanjabay in uu gubayo kitaab gubitaanka, wuxuuna intaasi raaciyey in diinta ALLE aysan jirin cid hoos u dhigi karta hadda iyo mustaqbalka soo socda.

Meelaha kale ee ay Muslimiintu ku tukadeen magaalada Nairobi ayaa waxaa kamid ah barxadda weyn ee u dhaw Burhan Estate, Jamia Mosque iyo xaafadda South C.

Goobtaas salaadda ciidda lagu tukanayey ayaa waxaa ka muuqday Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan mudane Maxamuud Cabdi Gaab. Mudane Cabdi Gaab oo fariin gaaban siiyey HOL ayaa sheegay in uu guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha gobolka Hiiraan u dirayo Hambalyo munaasabadda maalinta ciidda wuxuuna u rajeyey ummadda Soomaaliyeed ciidaan ciideeda in ay ku ciidaan nabadgalyo dhibaatada haysatan alla ka samata bixiyo.

Ciidan Soonfur wey ka badbaadey khilaaf, marka loo eego bilashadii Soonka oo ay dadka laba maalmood oo is xiga ay kala soomeen.

Aalaaba Soomaalida inta badan iskuma raacaan bilashada bisha soonka iyo sidoo kale ciidda, taas oo loo aaneyn karo firqo diimeedka oo kusoo badanaya dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah gudahooda, iyadoo aan horey loogu aqoon arrintaas.

Dadka waxaa wajiyadooda ka muuqdey reyn reyn, qof walbana waxa uu qabey dhar cusub oo uu ugu tala galey inuu uga qeyb qaato maalinta ciidda.

Dhanka kale, si weyn ayaa looga ciidey dhamaan qeybaha kale ee dalka Kenya, sida waqooyi bari Kenya oo ay dagaan Soomaalida Kenya iyo gobolada bartamaha iyo dhanka xeebta oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta ah.

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya