Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka Milateriga Soomaaliya

Khamiis, May 06, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka Milateriga Soomaaliya kaddib shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ciidanka Milateriga Sooomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay G/sare C/kariin Yusuuf Aadan, iyadoo lagu sheegay wareegtadii lagu magacaabay in magacaabiddan ay qayb ka tahay heshiiska ay wadagaareen Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca.

"Magacaabiddan waxay qayb ka tahay fulinta heshiiskii Ahlusunna iyo Dowladda Soomaaliya ay wada-gaareen, waxaana magacaabidda taliyaha cusub kala taashaday Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde)" ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif ku yiri shirkiisa jaraa'id.

G/sare C/kariin Yuusuf Aadan ayaa Madaxweynaha hortiisa lagu dhaafiyay, isagoo hadal uu ka jeediyay goobta ku sheegay inuu diyaar u yahay xilkiisa loo dhiibay uuna kasoo bixi doono.

"Marka hore waxaan uga mahadcelinayaan Madaxweynaha Soomaaliya xilka uu ii magacaabay, waxaana ka codsanayaan saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga inay gacan igu siiyaan gudaha xilkeyga" ayuu yiri G/sare C/kariin Yuusuf Aadan.

Magacaabidda Mas'uulkan oo ka tirsan Ahlusunna Walajmaaca ayaa imaanaysa xilli uu guddoomiyaha guud ee Ahlusunna uu Macallin Maxamuud Sheekh Xasan uu sheegay inuu burburay heshiiskii ay wadagaleen Dowladda iyo Ahlusunna, isagoo u burburkiisa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya