Khamiis, May 06, 2010 (HOL) - Afhayeenka AMISOM Major Behuko Brigye oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Xarrakatul Shabaab ay diyaarinayso gaadiid laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo la doonayo in lala beegsado goobaha ay shacabku ku badan yihiin.
Major Major Brigye wuxuu sheegay in gaadiidkan oo gaaraya 10-baabuur oo haanta lagu diyaariyay goobaha ay maamusho Xarrakatul Shabaab, la doonayo in mar qura looga fuliyo Magaalada Muqdisho.
"Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Xarrakatul Shabaab ay diyaarinayso 10-baabuur oo laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kuwaasoo loogu talogalay in lagu dilo dad badan oo Soomaaliyeed" ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
Sidoo kale wuxuu sheegay in gaadiidka lagu fulinayo qaraxyadan ay ku jiraan kuwo ay ka muuqdaan calaamadaha Midowga Afrika iyo gaadiid kale oo nooco kala duwan, isagoo sheegay in dhamaantood ay diyaar yihiin.
"Baabuurta la doonayo in qaraxyadan lagu fuliyo waxaa ka mid ah Land Cruiser, Mini-Bus, Booyad iyo Gaadiid kale, waxaana ku jira baabuur uu darawal ka yahay Muxyadiin Yuusuf, magacyada darawalada kalena waan haynaa" ayuu yiri Behuko.
Afhayeenka AMISOM wuxuu intaas ku daray inay warkaan ka heleen dad Soomaali ah oo aan doonayn dagaal, ayna dhankooda u diyaargaroobeen inay ka difaacaan saldhigyadooda weeraradaas, isagoo shacabka ugu baaqay inay soo wargeliyaan ciidamada haddii ay la kulmaan baabuurtan miineysan.
"Waxaa la doonayaa in gaadiidkan lala beegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin sida Suuqyada, Jaamacadaha iyo Masaajidda" ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeenka AMISOM oo sheegay in qaraxyadan ay qayb ka yihiin dagaallada ay wadaan kooxaha dowaldda Soomaaliya kasoo horjeeda.
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay AMISOM ee ku saabsan inay diyaarinayaan gaadiid miineysan oo la doonayo in lala beegsado goobaha ay shacabku ku badan yihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya