Guddoomiyaha guud ee Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku dhawaaqay in uu bur buray hishiiskii dhaxmaray iyaga iyo Dowladda Soomaaliya.

Khamiis, 6, May, 2010 (HOL) Guddoomiyaha guud ee Maamulka Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Max'uud Shiikh Xassan oo meel fagaarro ah kala hadllay dad weyne isugu soo baxay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarrunta u ah Goballka Galgaduud ayaa si cad ugu dhawaaqay in uu bur buray hishiiskii dhaxmaray Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca in Dowladda Soomaaliya leedahay sababta ugu weyn ee fashilka ku dhacay hishiiskii dhawaan ku dhaxmaray labada dhinac Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo shaaca ka qaaday in ay meesha soo gashay gacan Sadaxaad oo ah ayuu yiri hogaamiyo kooxeedyo aan wax shaqo ah ku laheyn Ahlu Sunna Waljameeca oo la wareegay majaraha hishiiskii dhaxmaray Dowladda iyo Ahlu Sunna.

''Waxaan wada hadda hadalnay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo in badan oo ka mid ah Golaha Wasiirrada oo xitaa uu ku jirro R/iisal Wasaarraha aniga oo ka dalbanaya in meesha laga saarro kooxaha la doonayo in la huwiyo magaca Ahlu Sunna Waljameeca laakiin nasiib darro dhag nooma aysan dhigin ayuu yiri Macalin Max'uud Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu eedeyn kulul u soo jeediyay Wasiirrka Wasaarrada Maaliyada ahna Ku-xigeenka R/iisal Wasaarraha Xukuumada Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan oo si qaldan u tarjumay ayuu yiri wax yaabihii aynu ku wada hadalnay kulankii Addis Aabab maadaama ay jirreen ayuu yiri qodobo muhiim ah oo si gaar ah aynu uga wada hadalnay ka hor inta aan hishiiska la saxiixin.

''Marnaba ma qaadan doono in kooxo aan wax shaqo ah ku laheyn Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo hishiiskii Addis Ababa ay soo fariistaan Miiska gor gortanka ayuu yiri Macalin Max'uud oo intaa ku darray in uu amar ku siiyay Xubnaha ka jooga Ahlu Sunna Waljameeca Magaalada Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan Goballka Galgaduud.

Mar wax laga weediiyay haddii ay jirro fursad banaan si loo bad badiyo hishiiskii dhaxmaray iyaga iyo Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in mar walba Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca diyaar u yihiin wax kasta oo wanaag lagu hellayo, laakiin waxaa uu si buuxda u sheegay in hishiiskii hore uu meesha ka baxay.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin Mas'uuliyiinta sar sare ee Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ka soo jooga Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Max'ed Yuusuf Xeefow oo dhawaan kulan ay la qaateen R/iisal Wasaaraha Soomaaliya ka sheegeen in ay isku afgarteen iyaga iyo Dowladda in la sii dhameystirro qodobada ka dhiman hishiiskii ku dhaxmaray labada garab Magaalada Addis Ababa.

C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]