Dowladda Sweden oo sheegtay in Xarakada Al-Shabaab ay dalkooda ka qortay dhallinyaro fuliya falal argagaxiso ah

Khamiis, May 06, 2010 (HOL) - Ciidamada ammaanka dalka Sweden ayaa sheegtay inay cabsi weyn ka qabaan in 20-dhallinyaro ah oo dalkooda ku koray ay u qortay Xarraktaul Shabaab inay fuliyaan qaraxyo.

Wargeys kasoo baxa dalka Sweden ayaa shalay qoray in dhallinyaro badan oo dalkaas ku nool ay Xarrakatul Shabaab qortay, kuwaasoo ay ugu talogashay inay ka fuliyaan Sweden falal argagaxiso.

Magaalada Gothenburg oo ah Magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ayaa la sheegay inay tahay halka laga qorto dhallinyarada, lagana ururiyo dhaqaale lagu taageero Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Ugu yaraan 400,000 illaa 500,000-qof oo ku nool dalka Sweden ayaa la sheegay inay yihiin kuwo kasoo jeeda dalalka Islaamka ah, sida ay tirakoob ku sameeyeen ciidamada ammaanka dalka Sweden.

"Al-Shabaab waxay ku guuleysatay inay soo jiidato dhallinyaro badan oo jihaad-doon ah kuna nool Sweden" ayuu yiri Per Gudmundson oo ah wariyaha qoray warbixinta ku saabsan in dalka Sweden laga qortay dhallinyaro Jihaad-doon ah.

"Dadka aada goobaha ay dagaalladu ka jiraan waxay dib ugu soo laabanayaan dalka iyagoo tababar qaba" ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo intaas kusii daray: "Sweden waxaa jooga dad badan oo tababar kusoo qaatay dalka Afgaanistaan, kuwaasoo ka dhaadhiciya dhallinyarada inay jihaadka ka qaybgalaan".

Wariyuhu wuxuu sheegay in tani ay tahay khatar weyn, isagoo sheegay inaysan ahayn khatar ka imaanaysa Soomaalida kuna wajahan Soomaalida oo keliya, balse ay khatar ku tahay ammaanka dalka Sweden.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya