Jimco, 28, May, 2010 (HOL) Wararka laga hellayo Goballka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Xoogagga Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca dib ula wareegeen deegaanno saakay Waabarigii hore gudaha u galeen Ciidamada Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab kadib markii ay halkaa isaga baxeen Ciidamadii Al-shabaab.
Shiikh C/risaaq Al-ashcari oo ka mid ah Saraakiisha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannada Mareer-gur, Ceeldheere, iyo waliba Galqoryaalle gacanta ku hayaan
Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna, waxaana uu intaa ku darray in xili ay deegaannadaa ka maqnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna gudaha u soo galeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo halkaa isaga cararay ayuu yiri markii ay maqleen guluf dagaal oo dhinacooda ku soo socda.
Waxaa uu intaa ku darray Al-ashcari in Xarrakada Al-shabaab yihiin koox sida uu hadalka u dhigay u adeegtay danaha Ururo kale oo Caalmi, sidaa daraadeed ayuu yiri ay qasab tahay in mar walba ay Warbaahinta u sheegaan in ay deegaano la wareegeen si loo qanciyo ayuu yiri kooxaha ay la shaqeeyaan.
Laakiin Guddoomiyaha Goballka Galgaduud ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab Yuusuf Shiikh Ciise Kabo-kutukade ayaa sheegay in saakay markii ay Ciidamadooda tageen deegaannada ay dib uga soo laabteen siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaana uu intaa ku darray in Ciidamada Al-shabaab ee halkaa gaaray ahaayeen kuwo kormeer ah oo shaqadoodii soo dhameystay.
Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa waxaa u dhaxeeya dagaal ku saleysan marka hoos ahaan loo eego dhinaca Diinta oo ay siweyn u kala fog yihiin, waxaana dhowr jeer oo
hore labada dhinac dagaallo qaraar ay ku dhaxmareen deegaanno badan oo ka tirsan Goballada Hiiraan iyo Galgaduud.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]