Shariif Xasan Sh. Adan oo ku guuleystay doorashada guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliyeed

Jimco, May 28, 2010 (HOL) - Wararka naga soo gaaray goobta ay ka dhacayso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in Mudane Shariif Xasan Sh. Adan ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed. Mudan Shariif Xasan ayaa wareegii 1-aad  helay 219 cod halka qofkii ku soo dhawaa uu ah Muane Cabdi Xaashi Cabdullahisi helay 147 cod.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka dib ka tanaasulay in uu isu soo taago wareega 2-aad sidaa ayuu ku guuleystay Mudane Shariif Xasan .

Xildhibaanada halkaa joogay oo codkooda dhiibtayaa ayaa dhammaa 388 xildhibaan

Warbixin dheeraad oo doorashadan ku saabsan ayaan dhawaan idiin soo gudbindoonaa.