Jimco, May 28, 2010 (HOL) − Wasiirro ka tirsan Dowladda Somaaliya ayaa xalay fiidkii ka badbaaday qarax miino oo lagu weeraray gaadiidkooda xilli ay marayeen waddada Maka Al-Mukarama, waxaana ku dhintay qaraxaas dad rayid ah.
Qaraxan oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lagu weeraray Wasiirrka Gargaarka Bani'aadamnimo Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne), Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde).
Weerarkan ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa iska fogeysay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaana ka dhaawacmay saddex askari oo ka tirsanaa ilaaladii la socday Wasiirrada Wasiirrada Dowladda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa burbur xooggan gaarsiiyay gaariga Wasiirka Gargaarka Aadamnimko.
Maxamuud Garweyne, iyadoo dadka dhintay ay ahaayeen laba cunug iyo ganacsade xilligaas ku jiray howlaha dukaankiisa.
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid aysan filanayn, isagoo ku sheegay inuu ahaa mid ku yimid dabacsanaan dhinaca ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda ah.
"Haddii kooxaha naga soo horjeeda ay dhigeen qaraxaas waxay u tahay guul, waayo waxay dhigeen meel ay ku sugan yihiin ciidammada Dowladda, haddii kale waa mid qorshe kale laga lahaa" ayuu yiri Wasiirka.
Sheekh Yuusuf Indhocadde oo wax laga weydiiyay Qarax lagu weerara ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, iyadoo sidoo kalena uusan ka haldin Wasiirka gargaarka Bani'aadamnimada Qaraxa oo si gaar ah u burburiyay gaarigiisa.
Waa markii labaad oo muddo laba bilood gudahooda ah uu ka badbaado Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Sheekh Yuusuf Indho-cadde Qarax lagu weeraray, iyadoo sidoo kalena 5-wasiir oo ka tirsan Dowladda dilay qaraxyo dhacay sannadkii hore.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya