
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya- Shariif Xasan Shiikh Aadan
Jimco, May 28, 2010(HOL): Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor soo gebagebowday, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan oo doorashadan ka hor ahaa Wasiirkii Maaliyadda iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen.
Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay la tartamayeen 4 XIldhibaan oo kale ayaan wuxuu doorashada ku guuleystay isla wareeggii koowaad, waxayna tartamayaasha u kala heleen codadka sidan:
Shariif Xasan Shiikh Aadan 217
Cabdi Xaashi C/llaahi 143
Cabdi Kaafi Macaallin Xasan 012
Axmed C/llaahi Fanax 010
C/llaahi Shiikh Ismaaciil 004
Xildhibaannada doorashadan soo xaadiray oo gaarayay 388 mudane ayaa wuxuu Shariif Xasan u baahnaa in uu helo 258 mudane, waxaase u sahlay in uu wareeggii koowaad guuleysto Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ku soo xigay oo ka tanaasulay doorashada wareegga labaad.
Markii lagu dhawaaqay in Shariif Xasan uu ku guuleystay doorashadii guddoomiyenimada Baarlamaanka, isla markiiba waa la dhaariyay, wuxuuna Guddoomiyihii KMG ahaa Xaaji Shukri uu kala wareegay xilkii guddoomiyenimada Baarlamaanka ee uu sida KMG ahayd u soo hayay.
Shariif Xasan oo dhaarintiisa kaddib hadlayna wuxuu sheegay in uu u mahadcelinayo Xildhibaannadii codadkooda siiyay iyo weliba kuwii aanan siinin, wuxuuna ka codsaday mudanayaasha in ay la shaqeeyaan, isagoo kaddibna u sheegay in ay maalinta Axadda ah ee soo socota ay isugu yimaadaan shir uu Baarlamaanka yeelan doono.
Waxaa xusid mudan in dib loo dhigay doorashadii Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka, waxayna arrintaas ka dhalatay markii ay sidaas isla garteen Guddigii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Maxkamadda Sare.
Goobta Doorashada ka dhaceysay oo ahayd xarunta Golaha Shacabka oo dhawaan dib loo dayactiray ayaa waxaa ammaankeeda si weyn u adkeynayay Ciidamada Amisom iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya, mana jirin wax buuq iyo fowdo ah oo dhacay intii doorasahda socotay iyo weliba dagaallo iyo duqeyn magaalada ka dhacday. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo muddo 20 sano ah ay Xildhibaano metelaya Baarlamaanka Soomaaliya ay doorasho ku qabtaan Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa horay xilkan u hayay intii aan xilka laga qaadin isaga iyo Xildhibaanno kale oo markii xilalka laga qaaday kaddib u baqoolay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku aas-aaseen Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya oo halgankii uu ka soo galay uu wax bedelay Dowladda TFG-da oo uu ka noqday Shariif Xasan Wasiirkii Maaliyadda iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen illaa ugu dambeyntii maanta dib loogu doortay xilkii Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]