Arbaco, May 26, 2010 (HOL) − Dr. Cabdinuur Axmed Darmaan oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inuu heshiis la gashay shirkad kuwa ammaanka ah oo saldhiggeedu yahay dalka Jarmalka.
Darmaan oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in markii uu arkay dhibka ka jira dalka Soomaaliya ay khasab ku noqotay inuu heshiis ciidamo uu la galo Shirkadda Jarmalka laga leeyahay oo lagu magacaabo Asgaard German Security Group.
"Shirkaddan waxay tababarro siinaysaa ciidamadeenna si aan ula dagaalanno kooxaha dalka ku haysta xooggan, waxaaan taageerayaa Islaamiyiinta hubeysan oo aan u arko inay yihiin kuwo u dagaalamaya xorriyadda dalka" ayuu yiri Dr. Darmaan.
Mas'uulkan ayaa difaacay kooxaha burcadbadeedda ah isagoo ku sheegay inay yihiin dhallinyaro loo diiday inay kalluumeystaan, ayna khasab ku noqotay inay noqdaan kooxo afduub u geysta Maraakiibta.
"Aniga waxaa la ii doortay sannadkii 2003 inaan noqdo Madaxweynaha Soomaaliya waxaana i doortay shacabka Soomaaliyeed, balse dowladihii dalka soo maray waa kuwo dibadda lagu soo dhisay ayna soo dhiseen dalal shisheeye" ayuu yiri Darmaan oo sheegay inuusan aqoosanayn dowlad haatan ka jirta dalka Soomaaliya.
C/nuur Axmed Darmaan oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in todobaadyo gudahood uu ku laaban doono Soomaaliya uuna horay u sii wadi doono ciidamada uu ka kireystay shirkadda Jarmalka ah.
Shirkadda Jarmalka ayaa mas'uuliyiin u hadlay waxay horay u sheegeen inay fulin doonaan heshiiska marka uu C/nuur Darmaan noqdo Madaxweynaha saxda ah ee dalka, iyadoo Baarlamaanka dalka Jarmalka uu heshiiskan ku tilmaamay mid khalad ah.
Mar la weydiiyay halka uu ka keenay lacagta ku baxaysa heshiiska uu shirkadda la galay ayuu sheegay inaanu jeclayn in la weydiiyo su'aalahaas oo kale, isagoo xusay inuu taageersan yahay kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya