Arbaco, May 26, 2010 (HOL) − Madaxwayaha Puntlad Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in puntland ay kaalin wayn ku leedahay xalinta khilaafaadka ka dhex taagan xubno ka mid ah DFKM ah ee Somaliya.
Waxa uu sheegay Madaxwaynaha in khilaafkii Dowlada intiisa badan uu kala hadlay Madaxwane Sheekh Shariif oo ay ku wada kulmeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Madaxwaynaha Puntland Dr Faroolle ayaa tilmaamay in khilaafka dowlada ka dhex taagan uu horseedi karo Bur Bur hor leh oo ku yimaada Umada Soomaaliyeed.
Puntland waxa ay dhex dhexaad ka tahay hormarinta umadda Soomaaliyeed" ayuu yiri madaxwaynaha isaga oo ku sugan dalka Turkiga xilli uu la hadlayay warbaahinta gudaha ee Puntland.
Dr Faroolle Madaxwaynaha Puntland ayaa Barlamanka somaliya ku tilmaamay in ay yihiin Indhaha soomaaliyeed ,waxaana uu ugu baaqay in xaalada dalka ay go,aan ka gaaraan.
Ugu danbayntii Xiriirka Puntland iyo Dowlada KMG ah ee Somaliya ayaa soo hagaagay wixii ka danbeeyay khilaafkii kenya ,Waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay iska kaashadaan dhinacyo badan oo ah dhanka Nabad galyada ah.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya
Madaxwayne Faroolle Oo Sheegay In Puntland ay ka Qayb Qaadanayso Xalinta Khilaafka u Dhaxeeya Madaxda Dowlada Soomaaliya
More News
- Qarax ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo sababay dhimasho
- Wasiirkii Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo xilkiisii iska casilay, kaddib markii uu ka mid noqday murashaxiinta Baarlamaanka
- Cabdinuur Axmed Darmaan oo xaqiijiyay inuu heshiis uu ku doonayo ciidamo la galay shirkad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka
- Shirweynaha Suxufiyiinta adduunka oo ka furmay Dalka Spain (DAAWO SAWIRRO)
- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in lasoo gaarsiiyay dacwooyin ka dhan ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya
- Maydadka Wiilal dhallinyaro ah oo saakay lagu arkay Degmada Wadajir ee Gobolka Baanadir
- Guddiga qabqanqaabada doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga ay qabsoomayso doorashada
- R/W Sharma'arke oo beeniyey In uu Is-Casilayo
- Fatahaad xoogan oo sababtay barakac qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRADA