Arbaco, May 26, 2010 (HOL) − Guddiga qabanqaabada doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinku ay bilaaban doonaan maalinta Jimcaha ee soo socota ayna socon doonaan illaa maalinta Sabtida ah.
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel ayaa u xaqiijiyay saxaafadda xiliga ay dhacayaan doorashooyinka, kaasoo lagu gaaray kulank ay guddiga oo ka kooban 15-xubnood ku yeesheen Muqdisho.
"Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay dhacaysaa Maalinta Jimcaha ah, maalinta xigta ee Sabtida ahna waxaa dhacaysa doorashada ku xigeennada" ayuu yiri Xildhibaan Waayeel, isagoo intaas ku daray inay joojiyeen qabashada codsiyada murashaxiinta.
Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel wuxuu sheegay in Maalinta Khamiista ah laga doonayo Murashaxiinta inay horyimaadaan Xildhibaannada Baarlamaanka si ay uga jeediyaan ajandayaashooda shaqo haddii ay ku guuleystaan doorashada.
Murashaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay guddigu sheegeen inay yihiin shan xildhibaan, waxaana ku jira Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xilalka kale ee ku xigeennada ayaa waxaa iyagana u taagan 18-xildhibaan, waxayna isugu jiraan 9-xubnood oo u tartamaya xilka guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 9-xubnood oo u tartamaya xilka guddoomiye ku xigeenka 2-aad.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga qabqanqaabada doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga ay qabsoomayso doorashada
More News
- Qarax ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo sababay dhimasho
- Wasiirkii Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo xilkiisii iska casilay, kaddib markii uu ka mid noqday murashaxiinta Baarlamaanka
- Cabdinuur Axmed Darmaan oo xaqiijiyay inuu heshiis uu ku doonayo ciidamo la galay shirkad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka
- Shirweynaha Suxufiyiinta adduunka oo ka furmay Dalka Spain (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxwayne Faroolle Oo Sheegay In Puntland ay ka Qayb Qaadanayso Xalinta Khilaafka u Dhaxeeya Madaxda Dowlada Soomaaliya
- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in lasoo gaarsiiyay dacwooyin ka dhan ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya
- Maydadka Wiilal dhallinyaro ah oo saakay lagu arkay Degmada Wadajir ee Gobolka Baanadir
- R/W Sharma'arke oo beeniyey In uu Is-Casilayo
- Fatahaad xoogan oo sababtay barakac qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRADA