Shirweynaha Suxufiyiinta adduunka oo ka furmay Dalka Spain (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, May 26, 2010(HOL): Shirweynaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo IFJ ayaa ka furmay  magaalada Cadiz ee dalka Spain kaasoo ay kasoo qeyb galayaan ergo ka kala socota in ka badan 100 dal oo adduunka ah.
 
Ururka Suxufiytiinta Adduunka oo shirweynahiisa qabta saddaxdii sanaba hal mar ayaa waxaa ka qeyb galaya boqolaal ergo oo matalaya ururada saxaafadda eeku bahoobay ururka IFJ. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu qeyb galaya ergo ka socota Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ kuwasoo uu horkacaya Xoghayaha Guud ee Ururka Cumar Faaruuq Cismaan.
 
Xafladdii furtaanka ayaa waxaa ugu horreyntii ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka Aidan White oo ku soo dhaweeyay xaflada furitaanka marti sharafta ka qeyb galaysa shirka iyo mas’uuliyiinta kale ee IFJ. Shirweynaha oo ay xariga ka jartay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Spain haweeneyda caanka ah ee la yiraahdo Tereza Fernandez de la Vega ayaa waxaa sidoo akle hadalka sida weyn loo sugaayay ee furitaanka shirka waxaa jeediyay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Adduunka Jim Boumelha oo sheegay in shirweynuhu dhacayo waqti xasaasi ah oo ay suxufiyiintu la xarbinayaan sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.


 
Kulankan oo ah kulanka ugu weyn ee ay isugu yimaadiin hogaamiyaasha suxufiyiinta Caalamka ayaa waxaa uu ku bilowday dood ku aadan mustaqbal ka saxaafadda caalamka. Cumar Faaruuq Cismaan oo Xoghayaha Guud ee ururka NUSOJ isla markaana ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Afrika ayaa waxaa uu kasoo jeediyay khudbad ku aadan mustaqbalka Qaarada Afrika ayadoo masuuliyiin ka kala socday qaarada hale kale ee adduunka ay iyagana ka hadleen mihnada saxaafadda iyo is badalka ka dhacaya qaaradahooda.
 
Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in saxaafadda Afrika ay wax dhibayaan qalalaasaha dhaqaale ee adduunka ka jiro, teknoolajiyada casriga ah iyo ku xadgudbida amniga iyo nabadgelyada suxufiyiinta. “Marka dhaqaalaha saxaafadda uu hoos u dhaco, marka teknoolajiyada casriga ah ku qasabto suxufiyiin badan oo khibrad leh in ay shaqada isaga tagaan iyo marka amniga iyo nabad-gelyada suxufiyiinta lagu xadgudbo oo cabsi awadeed ay mihnada isaga baxaan, waxaa ay taasi kuu muujinaysaa in mustaqbalka saxaafadda Afrika uu leeyahay sawir aan cadeyn” ayuu yiir Cumar Faaruuq oo ay garab fadhiyeen mas’uuliyiinka suxufiyiinta afarta qaaradeed ee kale.
 
“Waxaase wax lagu farxa ah in saxaafaddu ay noqotay mihnad muhiim ah oo dadka ka shaqeeya ay u hayaan adeeg muhiim ah bulshooyinka ay kasoo jeedaan. Saxaafadu waxaa ay noqotay wadada kaliya ee lagu cabiro fikradaha soo kala horjeeda iyo halka kaliya ee lagu xakameeyo ficilada caburinta leh ee dowladda badan” ayuu ku daray  Cumar Faaruuq.




Hiiraan Online News Desk